Mega Power Star Ram Charan 27-bishan Maarso wuxuu u dabaal dagay sanad guuradiisa 36-aad sidaa darteed Director SS Rajamouli, Jr. NTR iyo Superstar Ajay Devgn waxay baraha bulshada kusoo bandhigeen flimka RRR muuqaal u gaar ah oo ku saabsan doorka adag Ram Charan filimkan ku matalaayo.

NTR ayaa si gaar ah bartiisa Twitter-ka soo dhigay muuqaal si xarago cajiib badan loo diyaariyay una gaar ah Ram Charan weliba si gaar ah waxaana naloo baray in Ram filimkan weyn loogu yeerayo Alluri Seetharama Raju waana dagaalyahan u dagaalamayo sidii Hindiya xurnimo ku heli laheyd xiligii 1920-aad ee gumeysiga Ingiriiska dhul weynaha Hindiya heesteen.

Waxaa kaloo xusid mudan in muuqaalkan luqado kala duwan lagu soo bandhigay waxaana si gaar ah dadka usoo jiitay qaybta Af Hindiga in NTR uu codeeyay madaama NTR si wacan u yaqaan dhamaan luqadaha Hindiya ugu caansan sida Telugu, Tamil, Hindi iyo Kannada halka Ram Charan Af Telugu kaliya aflaanta ku jiilo.

Filimka RRR waxaa la daawan doonaa 8 Jan 2021 fadlan hoos ka daawo goos gooska kooban ee Ram Charan doorkiisa u gaarka ah ee sida weyn looga helay:

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here