Superstar Akshay Kumar shirkadiisa Cape of Good films iyo Jackky Bhagnani shirkadiisa Jjust Music ayaa isla sameeyeen muuqaal Video qaar ka mid ah jilaayaasha Bollywood-ka ugu caansan kasoo muuqdeen ujeedkana wuxuu yahay in dowlada Hindiya lagu dhiiri galiyo shaqada adag ay hayaan xiligan Coronavirus lala dagaalayo iyo shacab weynaha Hindiya fariin wacyi galin oo rajo ka muuqato loo diro.

Heeskan lagu magacaabo Muskurayega India ayaa siweyn u hirgashay waxaana kasoo muuqdeen jilaayaal badan oo mid walbo laga soo duubay muuqaal asigoo gurigiisa joogo waxaana ka mid ah Akshay Kumar, Tiger Shroff, Kriti Sanon, Ayushmann Khurrana, Rajkumar Rao, Sidharth Malhotra, Vicky Kaushal, Taapsee Pannu, Bhumi Bednekar, Rakul Pureet Singh, Kiara Advani, Ananya Pandey, Jackie Bhagnani iyo kuwo kale.

Heeska Muskurayega India waxaa ku luqeeyay Vishal Mishra sidoo kale muusigada isaga ayaa sameeyay halka laxanka uu saaray Kaushal Kishore. Waxaana siweyn loo bogaaday hal abuurkii uu la imaaday Akshay Kumar inuu hirgalay lana soo bandhigay heeskan shacab weynaha Hindiya qiiro badan galisay.

Fadlan hoos ka daawo heeska Muskurayega India ee jilaayaasha badan kasoo muuqdeen hormuudka u ahaa Superstar Akshay Kumar:

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here