Govinda waxaa uu soo maray xili hogaaminayay shirkada Bollywoodka isagoona ahaa aktarkq kaliya la hubo kaaso sanad waliba samayn karaa hal filim Hit dhamaystiran ah

haddaba aktarkan oo dhawaanahan fanka si hore ugu soo muuqanin ayaa ka hadlay dareenkiisa kaaso ah arrin si weyn loo sugaayay inuu isaga jawaab ka bixiyo ama uu ka hadlo sida dareenkiisa sida uu u arko goos gooska dib u samaynta filimkiisa Coolie no.1

iyadoo dhawaanahan filim-sameeyaasha Bollywoodka ay bilaabayn inay dib u sameeyaan aflaamtii iyo heesihiisa Classicada ah xiligii 90s gaar ahaa Govinda aflaamtiisa sida Coolie no.1 kaaso hadda dib u sameenaayo aktarka Varun Dhawan

Govinda ayaa saxaafada waxa ay wax ka weydiisay sida uu arko dib u samaynta filimka Coolie kaaso in badan oo jiliin ah laga soo qaatay qaybta kowaad ee u aktarka hogaamiye ka yahay qaas ahaan heesihiisa caanka ahaa ee filimkiis ku jirtay

sida lasoo warinaayo aktarka Govinda ayaa sheegay inuusan ku faraxsanayn sida loo sameeyay filimka Coolie no.1 kaaso lagu tilmaamay mid aan wanaagsanayn gaar ahaan waxa si weyn loogu fashilmay jilitaanka shactirada iyo weliba samaynta heesihiisa Clasicada aha isagoona sheegay in Varun ay si weyn u qaldayn qoobka ciyaarka mana aysan xitaa soo dhawaynin qoobka ciyaarkiisa uu kusoo bandigay filimkas

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here