Xalay waxaa dhacday arin layaab leh waxaana halis galay Bollywood King Khan Aka Shah Rukh Khan intii lagu sugnaa xaflada Diwali ee guriga Amitabh Bachchan ka dhaceysay taaso jilayaal badan isugu imaadeen.

Waxaa dab qabsan lahaa gabadha maamulaha u ah Aishwarya Rai Bachchan ee lagu magacaabo Archana Sadanand Saariga ay xirneed ayuu dabka qabsaday meel darafta hoose ah.

Waxaana ugu wacan dabaal dagyada goobta ka socdeen nasiib wanaag Shah Rukh Khan oo gabadhaan ka akdhowaa ayaa arkay maradeeda oo dab gaaray jirkeedana usii gudbaayo wax kale ma uusan sameynine cabiitaankii uu watay ayuu marka hore dabka qeyb kamid ah kaga damiyay.

Sido kale jaakadiisa ayuu iskudayay inuu ku damiyo balse gabadha dabka wuu gaaray oo jirkeeda waxyar kamid ah ayuu qabsaday si kastee ahaataba Khan wuu bad baadiyay gabadhaas isla markiiba isbitaal meesha ka dhowaa ayaa loola cararay Archana.

Dhanka kale SRK qudhiisa dhaawacyo fudud ayaa soo gaareen balse uma uusan baahneen in isbitaal uu aado waxyar fudud ayee ahaayen arinkaan waxay ka nixisay taageerayaasha xidigaan maadama naftiisa qatar gashay halka Reer Bachchan xalay abaal badan ka diiwaan galiyeen SRK si qaas ah Aishwarya oo ku tilmaamtay Khan qof qalbi dahab ah leh.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here