Halkaan hoose kaga bogo Dhacdooyinka xiisaha lahaa ee xalqada 2aad ee taxanaha Sefirin Kizi

0
1131

Waxaan ugu horeyn ka cudur daaraneynaa inaanan soo turjumin xili hore dhacdooyinka xalqadii 2aad balse maanta ayaan idiin soo gudbin doonaa dhacdooyinka ugu muhiimsan ee xalqooyinka 2aad iyo 3aad anagoo marba mid idiin soo qaadan doono.

-Ugu horeyn xalqada ayaa ka bilaaban doonto halkii ay qeybtii hore ku dhamaatay ee aheyd in Naari ay isku dayayso markii labaad iney is disho balse toogtaan fikrikaas wey badaleysaa mana is dileyso.

-Sancer oo usoo baxay inuu badbaadiyo Naare ayaa aad uga caroonaayo falka ay ku kaceyso Naare ee ah iney maagto in nafteeda disho wuxuuna weydiinaa maxay tahay sababta aad gabadheyda mudo 8 sano iiga xarintay haatana u dooneysid inaad is dishid misna hooyadeed ka xarimtid.

-Naare wey dooneysaa sababta ay isku dili rabtay iney I sheegto balse Sancer inuu rumeysan waayo ayay ka baqeysaa maadaama uu horey u aamini waayay markii ay dhahday Akin ayaa I kufsaday sidaas darteed Naare waxba uma sheegeyso Sancer meeshana way isaga soo tageysaa.

-Dhanka kale Naare waxay ogaanee in ninka ay u maleyso iney dishay ee Akin ahaa inuu noolyahay isla markaasna uusan dhimanin waxayna la xiriiree aabaheed kaasoo u sheegaayo in ay dib ugu soo laabato Montegro balse wey ka diideysaa.

-Naare maadaama ay haatan is dilistii ka tanaasushay waxay go’aansanee in gabadheeda dib ula midowdo oo aabaheed Sancer kasoo wadato waxayna garab weydiisanee Gediz balse Gediz wuxuu u sheegaa Nare in uusan qiyaani Karin saaxiibkiisa Sancar.

-Sancar kadib markii uu ogaaday in gabar 8 jir ah uu aabo u yahay wuxuu awoodiisa dhan isugu keenaa sidii uu doorkiisa aabonimo uga soo bixi lahaa asigoona gabadhiisa yarta isku dayaayo inuu ku qanciyo aabonimadiisa balse gabadha yarta ahi hooyadeed ayay dooneysaa.

-Sancar dhinac kale mowjad ayaa uga furan taasoo uga imaaneyso hooyadiisa iyo xaaskiisa cusub ee uu dhawaan guursaday walina la aqal galin waana cadaadis halistiisa wato maadaama munaasab aheyn in xaaskiisa xalaasha ah uu sidaas ula dhaqmo xitaa hadii uu gabadhiisa dib ula midoobay.

-dhinaca Gediz waxaad moodaa in Nare uu aad uga helay asigoona siweyn uga dhawaanayo waana arin halisteeda wadato maadaama Nare ay tahay xaaskii hore ee saaxiibkiis Sancar isla markaasna ayba gabar u dhashay.

-dhanka kale Sancar iyo hooyadiis waxay go’aansanayaan in gabadha yarta ah ee Malak loo sameeyo wanqal waxaana loo yeeraa marti sharaf badan oo dariska xaafada kamid ah.

-Nare waxay u imaaneysaa Sancar waxayna u sheegee iney dooneyso in gabadheeda dib u ceshato oo iyada heysato balse Sancar ayaa la yaabayo hadalka Nare wuxuuna u sheegaa in 8 sano kadib uu ogaaday in gabar aabo u yahay macquulna aysan aheyn in haatan uu wareejiyo taas badalkeeda uu gabadhiisa heysan doono ayadana iska baxdo wuxuuna Sancar Nare kasoo burinaa gurigiisa maadaama ay dooneyso gabadhii ay 8 sano ka xarimtay ay markale ka wadato.

-Nare aabaheed safiirka ah koox maafiyo ah ayaa lacago qamaar ku leh wuxuuna Akin kula heshiinaa in lacagahaas uu ka dhiibo taas badalkeeda uu Nare iyo gabadheeda dib usoo celin doono.

-Xaaska uu qabo Sancar waxay dooneysaa in Nare iyo gabadheedaba magaalka isaga baxaan si aysan jaceylkii hore ee Nare iyo Sancar dib usoo labo kacleynin sidaas darteed waxay ka been abuuranee gabadha yarta ah taasoo markii laga been abuurto shook qaadeyso waxaana ku dhagaayo naqaska .

-Gabadha yarta markii xaalad nuucaas gasho waxaa loo wacaa Sancar oo arinta loo sheegaa asigana wuxuu dagdag ugu wacaa hooyadeed Nare maadaama ay ayada taqaano gabadheeda waxaana imaaneyso Nare xaaladana la tacaaleyso.

-Nare markii ay gabadheeda dajiso ayay go’aansanee in ay wadato waxaana meesha ka dhacaayo is qabqabsi la xiriira gabadha yarta oo u dhaxeeyo Nare iyo Sancar xili Sancar hooyadiis ay Nare ugu hanjabeyso in Malek u sheegeyso in hooyadeed damacday iney is disho hadii ay isku daydo iney wadato.

-Nare waxay ogtahay in gabadheeda ay ayada ku dayato waxayna ka baqee hadii ay ogaato is dilkeeda ay hadhowna ku dayato ayadana is disho sidaas darteed ma dooneyso in gabadheeda arinkaas ogaato weyna iska soo laabanee balse qorshe kale ayay leedahay.

-Qorshaha kale ee Nare ayaa ah in gabadheeda qaab qarsoodi ku wadato balse ayadoo la baxsan rabto waxaa qabanaayo Sancar iyo hooyadiisa xili Sancar hooyadiisa ay qarka u fuuleyso in gabadha yarta ah u sheegto iney hooyadeedis dili rabtay.

-Balse waxaa goobta imaanayo Nare aabaheeda kaasoo ay la socdaan boolis wuxuuna si sharci ku wadanaa gabadha yarta ee Malek maadaama masuuliyadeeda uu asiga haayo wuxuuna la wareegay masuuliyadeeda xiligii ay Naare isbitaalka ku jirtay misna daaweynta u socotay waliba isbitaalka dhimirka ayay ku jirtay.

-Sancar markuu ogaado in masuuliyada gabadhiisa uu haayo Nare aabaheed safiirka yaab ayuu ka qaadaa waliba asigoo Nare siweyn ugu sii caroonaayo/

-Xalqada ayaa halkaas ku go’eysi Malek oo lawatay iyo Sancar oo aad ugu careysan Naare.

La soco dhacdooyinka xalqada 3aad oo xiiso leh misna ah xalqadii ugu dambeysay ee laga soo bandhigay xili xalqada 4aad wali dhimantahay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here