Home » Wararka Maanta » Halkaan Ka Ogaw 8 Warbaxin Oo Ka Qarsoona Kuna Saabsan Filimka Dushman Ee Kajol Iyo Sanjay Dutt Hogaamiyaha Ka Ahaayeen

Halkaan Ka Ogaw 8 Warbaxin Oo Ka Qarsoona Kuna Saabsan Filimka Dushman Ee Kajol Iyo Sanjay Dutt Hogaamiyaha Ka Ahaayeen

Filimka Dushman ee Kajol labada wiji ku matalaysay lana daawaday sanadkii 1998 sido kalena Sanjay Dutt door muhiim ah ku lahaa ayaa  19 sano jirsaday asigoo la daawaday May 29 1998.

Filimkaan Dushman sheeko ahaan waxaa laga soo min guuriyay filimka Hollywood-ka ah ee Eye For An Eye waxaana filimkaan Dushman wada jilaayeen Kajol, Sanjay Dutt, Ashutosh Rana, Kunal Khemu, Jas Arora, Tanzi Azmi Iyo Pramod Muthu.

Haddaba hoos kaga bogo 8 Warbaxin ama xaqiiqo Oo Ka Qarsoona Kuna Saabsan Filimka Dushman Ee Kajol Iyo Sanjay Dutt Hogaamiyaha Ka Ahaayeen.

1) Doorka Sanjay Dutt ee filimkaan waxaa loola rabay jilaayaasha Shah Rukh Khan iyo Aamir Khan ugu danbeyn doorka Major Suraj Singh Rathod waxaa calaf u yeeshtay Sanjay Dutt.

2) Filimkaan Dushman markaa maqasho waxaa niyadaada kusoo dhacaayo laadirka xaasid-ka ahaa ee Rana oo filimkaan si weyn loogu amaanay laakiin mala socataa inuu ahaa filimkiisa ugu horeeyay ee bollywood-ka kusoo galo asigoo magac weyn ku helay doorka filimkaan.

3) Dushman waxaa director ka aheyd Tanuja Chandra oo wax ka qortay sheekada filimada Tamanna (1997) Zakhm (1998) Iyo Dil To Pagal Hai (1997) oo isla qoreen Yash Chopra.

4) Kajol dhamaadka filimkaan waxaa dib u codeysay Mona Ghosh Shetty maadaama Kajol mashquul aheyd.

5) Doorka Rana ee filimkaan amaanta weyn ku helay waxaa loola rabay jilaaga Mukul Dev ka dib waxaa lagu badalay Ashutosh Rana.

6) Ka dib Srk iyo Aamir Khan doorka Sanjay Dutt ee filimkaan waxaa loola rabay Sanjay Manjrekar oo saxiixday mashruucaan kadib waxaa lagu badalay Baba.

7) Waa marka ugu horeysay ee Super Star Sanjay Dutt filim uu ku matalay qof aan wax arkin cunuga garabkiisa taagnaa filimka Dushman waa Kunal Kemmu,

8) ugu danbeyn jilaaga Sharad Kapoor ee wax ka jilay filimada Josh, LOC kargil, Lakshya, Wanted Iyo Jai Ho ayaa ahaa dooqa koowaad ee doorka Jas Arora’ oo ahaa Kajol (Sonia) jaceylkeeda.

2 Responses to Halkaan Ka Ogaw 8 Warbaxin Oo Ka Qarsoona Kuna Saabsan Filimka Dushman Ee Kajol Iyo Sanjay Dutt Hogaamiyaha Ka Ahaayeen

  1. Mohamud

    October 10, 2017 at 8:47 pm

    Rana aniga ilaa hada waan ka cabsadaaa kkkkkkkkkkkk filmada ku jiro

  2. mohamed dj

    October 10, 2017 at 11:46 pm

    ashutosh rana caadi ma ahn filimaaantisa kkkkkk wijigiisabo laga baqa sangrash filimkoo ilmaha cunaayo raaz iyo badal