Filim sameeye Ram Gopal Varma wuxuu ka mid yahay filim sameeyaasha ugu fiican ee bollywood-ka heystaan wuxuuna sameeyay filimaan Classic oo sheeko ahaan iyo ganacsi ahaan guuleysteen.

Haddaba maanta waxaa masraxa noo saaran filim sameeya Ram Gopal Varma oo kasoo qaadan doono 5-tiisa filim ee ugu wanaagsan ee uu sameeyay inkastoo uu sameeyay filimo caan ah waxaa maanta idinla wadaagi doona 5-tiisa filim ee ugu wanaagsan.

Fadlan hoos kaga bogo.

1) Satya

Satya wuxuu ka mid yahay filimada ugu wanaagsan dhinaca filimada gangster-nimada lagu soo bandhigay wuxuuna ka mid ahaa filimada ugu wanaagsan ee bollywood-ka sameeyaan 1998 waana filimka ugu wanaagsan ee uu sameeyay director Ram Gopal Verma sido kale waa filim Classic waxaana hogaamiye ka ahaayeen J. D. Chakravarthy, Urmila Matondkar, Manoj Bajpayee iyo Paresh Rawal.

2) Company

Company waa filim kale oo ka hadlaayo arimaha Gangster-ka waxuuna ka mid yahay filimada ugu wanaagsan ee lagu soo bandhigay gangster-nimada waxaana filimkaan hogaamiye ka ahaayeen Ajay Devgn, Vivek Oberoi iyo Urmila Matondkar Ram Gopal Varma wuxuuna ka mid yahay filimada ugu wanaagsan ee bollywood-ka sameeyaan sheeko ahaan.

3) Rangeela

Rangeela waxaa la daawaday 1995 waxaana filimkaan qoraa iyo director ka ahaa Ram Gopal Varma Filimkaan ayaan ah filim Jaceyl ee hogaamiye ka ahaayeen Aamir Khan Iyo Urmila Matondkar waxaan door muhiim ku leh Jackie Shroff wuxuuna ka mid yahay filimada Jaceyl ugu wanaagsan ee Bollywood-ka sameeyaan.

4) Sarkar

Sarkar filim kale ee uu amaan ku helay filim sameeyahaan waana taxane aad loo jacel yahay waxaan filimkaan hogaamiye ka ahaa Amitabh Bachchan iyo Abhishek Bachan waana filim ka hadlaayo arimaha gangstar-nimada wuxuuna ka mid yahay filimada ugu wanaaagsan ee sameeya RGV.

5) Bhoot

Bhoot wuxuu ka mid yahay filimada cabsi cabsida kuwa ugu wanaagsan ee bollywood-ka sameeyaan Waxaana filimkaan wada jilaayay Ajey Devgan Urmila Matondkar Nana Patekar Rekha Iyo Fardeen Khan RGV ayaana filimkaan amaan weyn ku helay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here