Bollywood King Khan Aka Shah Rukh Khan shirkadiisa Red Chillies Entertainment iyo shirkada Netflix xiriir dhow ayaa ka dhaxeeyo sanadkii horena waxay soo wada saareen filimkii sida Online-ka ahaa loo daawadat Bard Of Blood ee Emraan Hasmi hogaamiye ka ahaa siweyna looga helay sheekadiisa.

Haatan SRK iyo Netflix mashruuc cusub ayay ku midoobeen oo lagu magacaabo Betaal si Online ah barta Netflix looga daawan doono 24-ka bishan May waxaana hogaamiye ka ah Viineet Kumar sidoo kalena Aahana Kumra iyo jilaayaal kale ayaa ku wehliyaan.

Betaal waa filim cabsi iyo qayaano isku jirto oo si heer sare ah loo sameeyay waxaana laga wada helay qaabka fariintiisa loo dhigay waana filim Zoombie ah wuxuuna goos gooska soconaa 2-daqiiqo iyo bar.

Fadlan hoos ka daawo goos gooska filimka Betaal adigaaba ka heli doontid mashruucan SRK shirkadiisa Red Chillies Entertainment maal galineyso halka Netflix si Online ah looga daawan doono 24-ka bishan May:

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here