Bollywood King Khan Aka Shah Rukh Khan waxuu noqday boqorka Instagram-ka sikale marka sheekada loo dhigo waayo daqliga uu halkaas ka helo waa wax waali ah xitaa kama helaan boqolaal isaga kaga shacbiyad badan Instagram.

Khan bartiisa Instagram-ka waxaa kuxiran dad sare udhaafayaan 22-milyan qof waxuuna had iyo jeer ku madadaaliya xirfadiisa iyo oraahyo cajiib ah sido kale sawiro iyo Links-yo ama lifaaqyo kala duwan oo barnaamiyo kala nooc ah ka hadlayaan.

Magaciisa iyo caanimadiisa waxaa ka faaidestaan shabakado badan oo koontadiisa badeecadooda ku xayeysiistaan si ay ugu kala kacdo xayeysiintoodana waxay u baahdeen Khan iyo shacbiyadiisa daacada u ah had iyo jeer.

Waxaa la sheegay halkii Post uu Instagram-ka soo dhigo inuu ku qaato lacago dhan 1 Crore oo udhiganta ($133K) ama si kale hadaan udhigno ($133,000) waana lacag aad u fara badan balse waa Post-ga ama dhigaalka ay xayeysiin la socoto kaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here