Dad badan ayaa nala soo xiriiren inaan kiiska daroogada atiriishooyinka saacad-saacad usoo dhigno wararka kasoo kordhay ee Update-ka ah hadaba waxaan idiin heynaa wararkii udambeyeen kiiskan.

4-atiriishoo ee lagu dhagan yahay iyo sababta?

Deepika Padukone, Sara Ali Khan, Shraddha Kapoor iyo Rakul Preet Singh waa afarta atiriisho lagu eedeyey isticmaalka daroogada xiliyo kala duwan iyaga kaliya ma ahane xitaa shaqaalahooda.

Maxaa sababay in lagu eedeyo daroogada maxaase cadeyn loo hayaa.?

Qoraaladooda WhatsApp-ka ayaa la helay oo ay daroogo inee isticmaalaan shaki gelisay dadka xili ay dalbanayeen darooga iyagoo la xiriirayeen macaamiishooda ay ka iibsanayeen daroogada.

Maxay ku jawaabeen atiriishooyinka marka la weydiiyay?

Mid walba saacado gooni ah ayaa la wareystay inta xafiiska dambi barista daroogada loogu yeeray mana jirto mid qiratay isticmaalka daroogada mid walba wey beenisay warbixinada laga sheegay.

Maxay tahay talaabada ay qaadeen waaxda iyo qoloda qaabilsan barista daroogada.?

Waxay atiriishooyinkan ka qaadeen taleefanadooda ama Mobiles-ka ay isticmaalayeen si loo baaro qoraaladooda hore, muqaal, cod, documents wax walba iyo luuq walba Mobile-ka waa la galaa bal sii loo hubsado hadii ay run tahay ine daroogo isticmaali jireen waaxaana laga rabaa wax cadeyn ah in tellka laga helo.

Balse macquul matahay in laga helo wax cadeyn ah telefaanada laga qaaday atiriishooyinka.?

Haa waa macquul tusaale hadii atiriisho kamid ah ay dhowaan dalbatay daroogo macaamilkeedana WhatsApp kula sheekeysatay qoraalkaas hadee masaxdo ama tirto xitaa aalad soo saareyso ayaa jirto oo durba dib usoo celineyso qoraaladii hore.

Balse halmid macquul ma ahan hadii atiriishada iska bedeshay telefaana oo mid cusub qaadatay in cadeyn lagu helo wey adagtahay tusaale Deepia 3 sano kahor ayuu ahaa qoraalka hader lagu heysto ee daroogada WhatsApp-ka hadaba seddex sano hal Mobile inee wadato wali suurto galnimadeeda wey adagtahay.

Suurtogal miyaa in la xiro hader atiriishooyinkan.?

Maya suurtogal ma ahan waayo wax cadeyn rasmi ah laguma haayo wali baaritaan ayaa socdo wixii kasoo baxo aan aragno.

1 COMMENT

  1. NCB qudheeda sidee wax u wado namaysan cajibin waayo tallefon ayaa cadayn laga raadinaya waa wax in la helo adkaanayso dhan markii loo fiirsho miyaysan dhici karin in jirkoda laga baaro waayo manta dunida waxwalba in la ogaado way fududahay inta ay tallefon waqtiga iskaga dhumin lahaayeen waxaa jira arimo kaga haboon ay xaqiiqda jirta ku soo saari karaan waa sidan u arko

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here