Vidyut Jamwal Filimkiisa Commando 3 ayaa 90% in kabadan hoos udhacay todobaadkiisa labaad waana arin layaabkeeda wadato waxuuna hader marayaa wadarta guud 32 Crore weyna ku adkaan doontaa in cimri ahaantiisa uu gaaro 32.50 Crore sababto ah tiyaatarada ayaa laga dajin rabaa.

Todobaadkiisa kowaad ayuu ganacsi wacan sameeyay waxaase fiicned in intaas uu kasii fiicnaado todobaadkiisa kowaad maadama hader 10 Crore uu dheer yahay mashruucan qeybihiisa hore sidaa aawged shabakada Box-offic-ka India waxay ku dhawaaqday in Commando 3 yahay BELOW AVERAGE darajo ahaan.

Below Average oo micnaheeda ah filim guuldareestay ganacsi ahaan tiyaatarada waa laga dajin rabaa si deg deg ah waliba balse dhanka Satellite-ka iyo Tv-yada inu sifiican oga gadmo ayaa la filaa inuu dhankaas guul ka gaaro waa hadii qoysaska iska diidin oo ay soo dhaweyn waayaan.

Ganacsiga Commando 3 mudo labo todobaad ah waa sida tan:

Todobaadka Kowaad: 29.17 Crore

Todobaadka Labaad: 2.75 Crore

Wadarta Guud: 31.92 Crore (Trade Figure)

Dhanka kale Filimka Frozen ayaa ganacsi adag sameeyay todobaadkiisa seddexaad waxuuna keenay 6.75 crore mashrucan waxuu ka faaideystay fasaxa todobaadka seddexdoo isbuuc u dambeyeen sabti iyo axad walba ayuu sare ukac weyn sameeynaayay maadama qoysaska si qaas ah caruurta oo laso kaxeeynaayey shabakada BOI na waxay ku dhawaaqday mashruucan inuu HIT yahay.

Waxaa macquul ah inuu 50 Crore inuu gaaro todobaadkiisa Afaraad markuu dhameesto maadama uu hader maraayo 46 crore hoos kaga bogo mudo seddex todobaad ah ganacsiga uu India ka sameeyay soona daabacday BOI:

Todobaadka Kowaad: 26.31

Todobaadka Labaad:13 Crore

Todobaadka Seddexaad: 6.75 crore

Wadarta Guud: 46.08 crore

Ugu dambeyn filimka Pagalpanti ayaa noqday Flop-ka ugu weyn Bollywoodka sanadkaan sameyeen sida BOI sheegtay marka lala bar bardhigo aflaamta ugu caansan Bollywoodka soo saareen 2019 markii hore Panipat aya la islaa waa Flopka ugu weyn balse waxaa kasii weyn Pagalpanti.

85% ayuu hoos udhacay todobaadkiisa labaad mashruucan waxuuna hader marayaa wadarta guud 32.75 Crore waxuuna ku istaagi doonaa 33 Crore maadama uu tiyaatarada isaga dagaayo waana mashruc si weyn loogu qasaaray hoos kaga bogo ganacsigiisa mudo labo todobaad.

Todobaadka Kowaad:28.59 Crore

Todobaadka Labaad: 4.25 Crore

Wadarta Guud:32.84 Crore (Trade Figure)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here