Tanhaji-The unsung Warrior ayaa ganacsi adag sameeyay todobaadkiisa 8-aad seddexdii maalmood ugu horeysay waxuuna keenah 90 Lakh waana lacag aad u badan maadama 8 todobaad uu masraxa saaran yahay.

Tanhaji dhamaadka todobaadkiisa lixaad hoos udhac weyn ayuu sameeyay balse seddexdii maalmood udambeysay ayuu soo rogaal celiyay markalena waxuu muujiyay Filim la tartamo inuusan jirin oo ganacsi ahaan tiyaatarada ku ciriiriya waayo aflaamta masraxa saaran sida Malang iyo Shubh Mangal Zyada Saavdhan ganacsigooda waa istaagi rabaa darajo ahaan Below Average ama Average ayee noqon doonaan.

90 Lakh lacag ahaan wey yartahay balse Filim todobaadkiisa 8-aad seddexda maalin u horeysa 90 Lakh keenay waa wax waali ah 10 sano u dambeysay 4 ilaa 5 Filim ayaa 1 Crore keenen todobaadkooda 8-aad halka Tanhaji seddex maalmood 90 Lakh ku keenay waa hubaal inuu 1 Crore ka talaabsan doono marka uu todobaadkiisa 8-aad dhameesto.

Hoos kaga bogo ganacsiga Tanhaji ee gudaha India:

Todobaadka 1-aad: 115.28 Crore

Todobaadka 2-aad: 77.87 Crore

Todobaadka 3-aad: 38.48 Crore

Todobaadka 4-aad: 19.31 Crore

Todobaadka 5-aad: 8.90 Crore

Todobaadka 6-aad: 5.07 Crore

Todobaadka 7-aad: 2.56 Crore

Todobaadka 8-aad: 90 Lakh (mudo 3 maalmood)

Wadarta Guud: 268.37 Crore (Trade Figure)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here