Kabir Bedi waa mid kamid ah jilayaasha India ee iyaga kartidooda magac ku sameysteen waxuuna kamid yahay halyeeydii bari samaadkii aflaan badana sameeyay wax qabadkiisa in badan waa mid ilaa maanta muuqdo.

Bishii hore Febraayo ilaa hada xan cajiib ah ayaa dhex mushaaxeysa Bollywoodka dhexdiisa taaso sheegeysa in Kabir Bedi uu Sunny Leone ka codsaday taleefan lambarkeeda qaaska ah balse wey u diiday ayaa la sheegay.

Qaar kamid ah saxaafada ayaa sheegen in Kabir uu la kulmay Sunny Leone iyo seygeeda waliba goob xaflad ah ayee ku kulmeen bishii hore waxaqna dhacday inuu labadooda uu waqti dheer halkaas kula qaatay.

Kadib waxaa dhacday in Kabir markuu baxaayey Sunny Leonenka codsaday Number-ka Mobile-keda gaarka ah balse waxay usheegtay midkii seygeeda ama taleefan lambarka ninkeeda ayee siisay oo ay tiri xili walba halkaas igala soo xiriir.

Sunny ayaa la sheegay ine fahamtay qorshaha iyo danta uu Kabir Bedi lahaa sidaa aawgedna ay u siisay lambarka seygeeda xili xidigtaan ay iska ilaalineyso nolosheeda muran kale in dhexda ka gasho maadama ay kasoo kabaneyso waxyaabihii ay horey u sameyn jirtay misane iska dhaaftay.

Wararka qaar ayaa sheegayaan sababta Sunny ugu diiday lambarkeeda qaaska ah Kabir ay tahay ineysan gabi ahaanba lambarkeeda gaarka ah qofna siinin xitaa xidigaha waaweyn ee Superstar-da ah hade lambarkeeda ka codsadaan ma siin doonto ayaa la sheegay waana go’aan ay hoosta ka xariiqatay si ay nafteeda muran kaga ilaaliso qoyskeedana u ilaalsato.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here