Jillaaga halyeeyga ah ee shirkadda Bollywood Industry Anil Kapoor ayaa wuxuu daaha ka qaaday inuu taageere weyn u yahay inta cimrigiisa ka dhimmana u ahaan doono walaalkiis ka yar Sanjay Kapoor.

62 sanno jirkaan Anil ayaa wuxuu maanta oo Isniin ah Twitter-ka ku ammaanay musasalka sannadkaan ku cusub taleefashinka ee Dil Sambhal Jaa Zara kaasoo uu hogaamiye ka yahay Sanjay.

Anil Kapoor ayaa kusoo qoray akoonkiisa Twitter: “Waa wax lagu riyaaqo inaan maqlo musasalka Dil Sambhal Jaa Zara! Aniga ahaan waxaan taageere nololeed u ahay Sanjay Kapoor, hadana musasalkiisa ayaan taageere u noqon doonaa”.

Dil Sambhal Jaa Zara waxaa lagu arki doonaa Sanjay oo ku jillaya doorka Anant Mathur, waana nin qoys kaasoo jaceyl u qaadaya gabadha dhallinyarada ah Ahana oo musasalkaan ku jilleysa magaca Smiriti Kalra.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here