Graeme Souness waa mid kamid ah halyeeyayda horyaalka ingiriiska gaar ahaan kooxda Liverpool oo uu u ciyaarayay mudadii u dhaxeysay 1978dii ilaa 1984tii wuxuuna mudadaas u dhaliyay 38 Goal.

Halyeygaan oo haatan falanqeeyo ka ah Horyaalka EPL ayaa ka hadlay masiirka laacibka markuu kubadda cagta ka fariisto iyo qaabka uu u arko kubadii uu soo cayaaray asigoona naftiisa tusaale ugu soo qaatay.

Graeme Souness ayaa yiri; “Masiirka laacibka mudada uu garoonka ku jiro waa mid aad u yar waxay kugu mareysaa sidii hilaac oo kale”

Asigoo hadalkiisa sii wato ayuu yiri: “Markaan hurdada aado ilaa hada waan ku riyoodaa waxaan ku riyoodaa anigoo wali laacib garoonka ku jiro ah markaas baan bilaabaa in xaaskeyga dhinac kasta ka haraantiyo”.

Hadalkaas kadib waxaa qosol la daatay ragii Studiyaha la fadhiyay misna cayaaraha la falanqeynaayay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here