Atiriishada caanka noqotay Ananya Panday misane uu aabo u yahay Chunky Panday ayaa barteeda Instagram-ka ku yeelatay in ka badan 10 Million Followers waana hormar weyn oo ay gaartay xidigtaan si dhaqsi leh ayeena ku heshay shacbiyadan badan.

Ananya ayaa aqbaartan farxada leh Dhiggaal dheer kasoo qortay misane soo dhigtay Instagram-keda waxayna u mahadcelineysay asaxaabteeda iyo taageerayaasheeda sida ay u garab istaageen misane darajadan ugaartay.

Waxay tiri Ananya,”waad ku mahadsantihiin jaceylka aad ii muujiseen idinka la’aantiina maanta heerkan masoo gaari laheen dhab ahaantii anigana waan idin jeclahay dhamaan asaxaabta Ananya garoobeen oodhan (Ananians) waan idin jeclahay meel walbo dunida ka joogtaan.”

Ananya guriga ayee karantiil kutahay balse Filimkeeda xiga ee ay kasoo muuqaneyso waa Khaali Peeli waxaana la hogaaminaayo Ishaan Khattar sido kale waxaa jiro Filim kale oo aan wali magac loo bixinin misane Ananya saxiixatay waxaana la jileyso Filimkaan Deepika Padukone

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here