Cidna ma aysan fileyn filimka mada daalada dhameestiran Comali inuu 25-maalmood tiyaaarada dhul weynaha Tamil Nadu saarnaan doono madaama Jayam Ravi iyo Kajal Aggarwal kuwa filimada ka faaloodaan labo xidig kaliya siiyeen kuna tilmaameen filim aan daawasho badan mudneyn.

Laakiin dadka tikit-ka u goostaan dhaliisha Comali loo soo jeediyay wax kama jiraan ayay kasoo qaadeen madaama mashruucan noqday Blockbuster weyn asigoo soo xareeyay 53 Crore ($7.39m) wuxuuna noqday HIT weyn oo Jayam Ravi culeeska in badan ka dajiyay.

Filimka Comali oo tiyaatarada la saaray 15 August 2019 weli si adag ayaa looga daawanayaa Tamil Nadu weliba 100 tiyaatar ka badan ayaa laga daawanayaa asigoo haatan 25-maalmood tiyaatarada saaran mashruucan laga wada helay fariintiisa oo ah in Jayam Ravi koomo galaayo kadibna uu miir soo yeelanayo 16-sano kadib ayadoo wax badan oo ku hareereesnaa noloshiisa is badaleen.

Fadlan hoos kaga bogo filimka Comali suuq walbo ganacsiga uu ka sameeyay mashruucan Blockbuster-ka weyn noqday ee miisaaniyada xadidan xambaarsanaa:

Tamil Nadu – 41.60 Crore

Karnataka – 1.60 Crore

Hindiya inteeda kale – 1.30 Crore

Suuqyada caalamka – 8.50 Crore

Wadarta Guud ganacsigiisa dibad & dal – 53.10 Crore

Saamiga Guud Laga Helay Dibad & Dal – 25.48 Crore

Natiijadiisa – Blockbuster

Comali wuxuu noqday HIT-ka labaad ee ugu weyn iyo filimka labaad ee lacagaha ugu badan soo xareeyo ee Jayam Ravi sameeyo kaliya waxaa ka darajo sareeyo kana lacag badan filimkii Classic ahaa Thani Oruvan ee sanadii 2015 la daawaday.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here