Home » Nolosha Jilaayaasha » Hambalyo Shilpa Shinde Oo Noqotay Guulestaha Showga Big Boss 11 Iyo Taariikh Nololeedkeda Oo Kooban (+Sawiro)

Hambalyo Shilpa Shinde Oo Noqotay Guulestaha Showga Big Boss 11 Iyo Taariikh Nololeedkeda Oo Kooban (+Sawiro)

Ugu Dambeyn Shilpa Shinde ayaa noqotay guulestaha barnaamijka Big Boss 11 kaasi oo Tv-yada ka baxa sido kalena Mega Star Salman Khan daadihiyaha ka yahay.

Shilpa Shinde waa atirisho Tv-yada ka shaqeysa waxayna dhalatay 28 Aug sanadkii 1977 waana 40 jir mudo fanka ku dhexjirtay.

Shilpa waayaheda fanka waxay inta badan ka shaqeysay Tv-yada oo ay xooga saartay ayadoo sameyay musal salo kala duwan kana qeyb qaadatay barnaamijyo taxana ah.

Sanadkii 1999 ayee Shilpa shaqada Tv-yada kusoo biirtay balse waxay ,magac iyo door wanaagsan ba heshay sanadkii 2002 markii ay laadarad ka noqotay musalsalka Bhabi ee Star Plus iska lahed.

Shinde inta badan ilaa hada caan ku tahay musalsalkeeda caanka ah ee Bhabi Ji Ghar Par Hai, kadib marka ay musalsalkan sameysay xidigtaan wey sal dhigatay waxayna noqotay doowa kowaad ee musalsal sameyaasha.

Shilpa waxay isbarteen atooraha Romit Raj intii lagu guda jiray duubista musalsalka Maayak (2007-2009) wixii markaas ka dambeyay xidigahan wey is alkunten oo faraanti ayee isku galiyeen sanadkii 2009 sido kalena guurkoda aya lagu dhawaaqay.

Balse Shinde waxay awoodi weysay dalabaadka waalida ah ee Romit iyo qoyskisa dhankoda kaga imaanayey dhanka lacaga maadama Hindida qaarkod gabadha ayada ninka lacag ka bixineysa sida awged guurkoda sidas ayuu ku baaqday.

Shilpa Shinde waa 40 jir wali doob ah aanan la guursan waxay bishii Oct 2017 ka qeyb qaadatay showga Big Boss 11 sido kale mudadii uu showgan socday xidigtaan waxay kamid ahed ka qeyb qaadayasha showgan.

Ugu dambeyn xalay ayee ku guulesatay codeyn badan oo loo codeyay awged waxay noqotay guulestaha Big Boss 11 ayadoo goobta koob iyo lacag 44 Lakh ($66,666 dollar) lagu gudoonsiyay waxayna darajadan ku garaacday xidigihii kaalmaha hore lasoo galeen ee kala ahaa  Hina Khan, Vikas Gupta and Puneesh Sharma.

Dhamaad….

 

 

2 Responses to Hambalyo Shilpa Shinde Oo Noqotay Guulestaha Showga Big Boss 11 Iyo Taariikh Nololeedkeda Oo Kooban (+Sawiro)

  1. ahmed sheelare

    January 15, 2018 at 3:35 pm

    waxaan raba in laga jaahil bixiyo showgan maxaa lagu guuleystaa oo lagu tartamaa atariisho tv series sameyso 44 lakh wax weyn miyey la tahay lacag an hal crore dhameyn maxaa faaido ah oo ugu jira plz wax iiga sheega

    • Zakarie Abdi

      January 15, 2018 at 7:15 pm

      Faa’iidada ugu weyn waxay tahay inay aqoosni heshay taasi oo ka caawineyso inay shirkadaha Bollywood-ka aflan u dhiibtaan ama musal salada ay hogaamiye ka noqoto, marka qof Big Boss oo Hindiya laga daawado ku guuleestay wax weyn ayaa u hirgalay mustaqbalka dhanka shaqadiisa kaliya nasiib kale ayuu u baahan yahay si jaraan jaranta ama salaanka uu soo koray horey ugu sii socdo.