Inaba caadi ma ahan Superstar Vijay filimkiisa Master mudo 11-maalmood ah ganacsiga uu sameeyay dibad iyo dal marka la isku daro ayuu ku gaaray darajada 200 Crore waana awood cad oo aan loo dhawaan karin madaama waqtigan adag tiyaatarada 50% xiran yihiin saameynta karoonaha weli jirto uu darajadan gaaray.

Master waa filimka 4-aad ee xariir ah ee Superstar Vijay hogaamiye ka yahay oo darajada 200 Crore gaaro ama ka talaabo ganacsiga dibad iyo dal marka la isku daro waxayna filimadaas kala yihiin Mersal (2017), Sarkar (218), Bigil (2019) iyo Master (2021).

Sidoo kale Vijay wuxuu noqday atooraha ugu horeeyay ee Koonfur Hindiya ah kaasi oo sameeyo 4-filim oo isku xigaan mid walbo 200 Crore ganacsi ah sameeyo dibad iyo dal marka la isku daro sidoo kalena waa atooraha labaad ee filimada ugu badan 200 Crore u gaaraan kaliya Superstar Rajinikanth ayaa ka badan sameynta aflaanta 200 Crore ganacsi ahaan ka talaabaan.

Master wuxuu noqday filim Hindiya iyo daafaha caalamka qabsado ganacsi ahaan tan iyo markii 13-kii bishan Janaayo tiyaatarada lagu soo fasaxay waxaana lagu kalsoon yahay mashruucan HIT weyn inuu noqon doono sidoo kalena waa filim rajo galiyay dhamaan shirkadaha kala duwan ee gudaha Hindiya ka jiraan inay aflaantooda masraxa soo saartaan bilooyinka nagu soo fool leh madaama weli daawadayaasha diyaar u yihiin inay tiyaatarada soo aadaan ayadoo saameynta karoonaha jirto tiyaataradana 50% furan yihiin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here