Waxaa xalay lasoo bandhigay xalqada 32-aad ee taxanaha Hercai oo ah xalqad gabi ahaantedaba xiiso weyn leh ariml cusubna lagu arkay fadlan hoos kaga bogo dhacdooyinka ugu xiisaha badnaa xalqada:

Xalqada waxay ku bilaawane meeshe ku dhamaatay tii hore xili Azaad qolka ka weynaayo Elif miiska cuntada markuu imaadana waxuu weydiina dadka Elif kadibna waxu ogaana in Caziiza Elif qasab kuwadatay si deg deg ah ayuuna qasriga Aslanbey ku aada Azaad balse waxaa weheliyaan Miiraan, reer Sodologu oodhan iyo reer Aslanbey oo dhan.

Caziiza ciidankeeda ayee diyaarsataya dadkaan inee so socdaana wey oged markii dhamaan la isugu wada tago qasriga reer Aslanbey Azaad jinni ayuu isku ridaa isagoo ku waalanaayo Elif aaway xitaa biskoolad ayuu lasoo baxaa oo xabad ayuu kor uridaa Elif oo dabaqa kore saaran ayaa damceyso ine isdisho kuligood ayeena udigee inee buuqa joojiyaan ama ay isasoo tuuri doonto.

Kadib Azaad, Miiran iyo Reyyan ayaa kors oo fuulayaan si ay u badbaadiyaan Elif lkn Elif yaan la iiso dhowaan aye dhahe waxayna xujo kadhige in ayeeyed ka laabato aargoosigeda ama isaso tuuri doonto balse Caziza sheekadaas ma yeeleyso ugu dambeyn Azad xaaskiisa wuu soo badbaadina qasriga Reer Sodolugu ayuuna kuso celina.

Elif markee guriga timaado waxay sheege in Haandaan aqalka ka dirtay muuqaal xusuus ayaana lagu tusaa marke qolka ugu soo galeysay sababte udirtayna waa ine ka cabsatay hanjabaada caziiza iyo in wiilkeda Azad wax dhiba gaarin kadib waxaa lagu tusaa Haaruun oo qof talefanka kula hadlaayo una sheegaayo dhacdooyinkii reer Aslanbey iyo reer Sodolugu so dhexmaray.

Hazar ayaa Miiraan wacaayo waxuuna usheega inuu xaaskiisa u imaado misanw wato maadama ay xanuunsantahay Miiraan ayaa Reyyan soo wadanaayo guriga ayuuna keena kadib Hazar ayaa ku riyoonaayo muuqaal xusuus ah marke Dilshaah dhimaneysay isagana dhaawacmaayey in Maxamed Aslanbey asna meesha lagu dilay dilkaasna uu ka dambeyay aabihiis Nasuh oo riyada xusuusta dhexdeeda waxaa lagu tusaa Hazar oo leh Aabo ma adiga ka dambeya waxaan oodhan ma adiga ayaa na dilay nasiib wanaag Hazar waa bad baada halka Dilshah iyo Maxamed Aslanbey dhimanayaan.

Muuqaalka xiga waxaa lagu tusaa reer Aslanbey iyo reer Sodolugu oo kulan wada yeelanayaan waxaana la dooran raba qofka kurisga ugu sareeyo fariisan lahaa ee ganacsiga hotel-dana maamuli lahaa waxaa tartamayaan Azaad iyo Caziiza waxaase codka ku guuleysanaayo Azaad.

Gonul codkeda waxay kuxiree shuruud taaso ah in ayeeyded usheegto walaalked qofka uu yahay caziiza oo dooneysa codka Gonul ayaa kuqasbanaaneyso ine Gonul runta usheegto waxayna dhahe,”Furat waaye walaalkaada” waana muuqaal qiiro leh xili Gonul aad u farxeyso balse ayeeyded wey ku boode oo codka ma siineyso waxayna codka ugu shubee Azaad midaasna Caziiza qasaaro ayee ku noqone oo kursigii ayee weynee xilk Nasuh jabka caziiza ku farxaayo.

Dhacdooyinka kale waxaa kamid ah in Haaruun u dabaal dagaayo maalinta jaceylka adduunka waxuuna imaana qasriga reer Sodolugu isagoona Yaareen kaxeysanaayo magaalkana damaashaad u aadayaan sido kale waxaa lagu tusaa dood dheer oo dhexmareyso Miiraan iyo Caziiza xili Caziiza la yaabantahay sida Miiraan ula saftay cadowgeeda reer Sodolugu balse Miiraan ayaa ayeediisa runta usheegayo waxuuna leeyahay wax badan waaad na dhibtay hada kadib qof hadal kaa maqlaayo malahan reer Sodologu cadow kuma tihid ee reer Aslanbey ayaa cadow kutahay ayuu leeyahay sababto ah fal walba aad ku dhaqaaqdo anagaa ku dhamaano.

Waxaa si qarsoodi u kulmayaan Miiraan iyo Hazar xili Miiraan uu Hazar ku wareejinaayo warqadihii cadowga seddexaad soo diri jiray misane ayeeydiis Caziza loosoo diraayey waxuuna Hazar usheega in cadow seddexaad uu jiro kaaso kadhex shaqeyo labada qoys.

Caziiza kuma kalsoona walaashed Haniifa weyna ka shakine sido kale Miiran iyo Furat wey ka caronahaan Gonul iyo sababte ugu codeyn weysay ayeeyded halka Haandaan in la furo kusigatay maadama Jihaan aad oga xanaaqayo falka Haandaan ku kacday iyo inee guriga ka erisay Elif.

Miiraan iyo Reyyan istanbul ayee aadayaan oo buuqaan wey ka dhexbaxayaan balse Harun ayaa ka daba galaayo waxuuna kudhumanaa qolka jiifka ee Hotelka ka daganaayen Miiraan iyo Reyyan waxuuna meesha ugu gabanaa Miiran oo qolka soo gali rabo xili Harun uu biskoolad wato waxuuna diyaar u yahay inuu xabad kudhufto Miiraan dhamaad xalqada halkaas ayee kudhamaane waa xalqad aad uxiiso badan goordhow lasoco taxliisha xalqadaan iyo goos gooska xalqada 33-aad.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here