Hande Ercel oo markii ugu horeysay ka hadashay in miisaankeeda saa’id isku dhimo iyo xidigtaan oo sababta keentay ka hadashay.

0
2228

Atariishada Hande Ercel oo wareysi nolosheeda ku saabsan lala yeeshay ayaa arimo badan ka hadashay waxaana ugu xiiso badnaa markii la weydiiyay su’aalo ku saabsan sababta ay miisaanka badan ku weysay.

Atariishadaan oo aheyd atariisho dheer sidoo kalana laf leh isla markaasna uu miisaankeeda cuslaa ayaa halmar lasoo baxday jir caato ah oo aan wax miisaan laheyn waxayna la wareegtay hadalheynta baraha bulshada kadib markii laga soo bandhigay sawiro ayadoo aad u caato ah.

Hande ayaa sheegtay ineysan marnaba jimis iwm sameynin balse murug badan oo haleeshay ay sababt u noqotay in miisaankeeda intiisa badan is dhimo.

Atariishadaan ayaa sheegtay in kadib geeridii ku timid hooyadeed ay gashay xaalad murug ah isla markaasna murugtaas aad ugu daba dheeraatay maadaama ay hooyadeed jecleyd arintaasoona sabab u noqotay in xidigtaan miisaankeeda is dhimo.

Hande Ercel ayay hooyadeed dhimatay bilowgii sanadkaan waxayna aheyd saaxiibka kaliya ay dunida ku laheyd tan iyo markaas wixii ka dambeeyayna gabadhaan nolosheedii ayaa gabi ahaanba is badashay inkastoo haatan kasoo kabsaneyso dibna ugu soo laabatay fanka iyadoo taxanaheeda xiga uu isbuucaan usoo bixi doono.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here