Haweenka Hinduuga iyo kuwa daafaha caalamka qaar kamid ah iyo badankoodba wey dhaliileen doorka Kiara Advani ee Filimka Kabir Singh kaaso Shahid Kapoor hogaamiye ka yahay.

Saxaafada India iyo daawadayaasha qaar kamid ah ayaa dhibsadeen doorka Shahid inuu yahay mid qalafsan dabeecad kululna uu shaashada ku jilaayo sidaa aawged sawir khaldan ayuu gudbinaa Filimkaan ayaa la dhahay.

Kareena xitaa xanaaqa Doorkaas iyo sida uu Shahid ad adkaan ugu jilay wey dhaliishay door ahaan waxayna sheegtay inee necebtahay nolosha dhabta ah Ragga noocaas oo kale ah wareysi ay bixisay dhowaan ayeena ku sheegtay sidaas.

Marka laga soo tago doorka Shahid waxaa si aad ah loosii dhaliilay Kiara Advani doorkeeda Filimka ee Preeti kaaso lagu tilmaamay mid bahdil ah dumarka qaar ayaana dhibsadeen sida Kiara u jishay doorkaas Kareena waxay ku tilmaamtay door xun akteedana aan ka soconin habkaas jilicsanaanta ah ee gabar ku jeclaaneyso nin sidaa u qalafsan.

Waxay tiri iyadoo doorka Preeti ka hadleyso ee shaashada Kiara kujishay,”sidaan sheegayba ma daawan wali balse aniga ahaan waa la iga shidaa doorka Preeti oo kale taasi aniga (Kareena) ah ma aha walee waa door damiir xumo ka muuqata sida sheekada Filimka loo dhigay.”

Dulqaad badni, miskiinimo, jilicsanaan iyo bahdilaad ayee Kiara shaashads kusoo bandhigtay gabar walba oo daawatana wey dhibsane waa sababta dadka u leeyihiin qalafsananaanta iyo xanaaqa Shahid & damiir xumada Kiara shaashada ku bandhigeen waa sawir xun oo bulshada loo gudbinaayo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here