Home » Arimaha Bulshada » Haweeneey dhimatay oo nolol kusoo laabatay iyadoo aaskeeda lagu jiray, ka dibna maxaa dhacay?

Haweeneey dhimatay oo nolol kusoo laabatay iyadoo aaskeeda lagu jiray, ka dibna maxaa dhacay?

Haweeneey 59 sanno jir ah taasoo u dhalatay dalka Morocco oo ay dhakhaatiirtu sheegeen inay dhimatay, ayaa soo naaxday ka dibna u qeylo dhaamisay deriskeeda oo aaskeeda ku jiray, wargeys laga leeyahay dalka Morocco ayaa sidaasi baahiyey.

Haweeneydaan ayaa waxaa la xaqiijiey inay qabtay kansarka maskaxda, waxaana loo qaaday isbitaal ku yaalla magaalada Berrechid oo ku taalla dhanka Waqooyi ee dalka Morocco.

Haweeneydaan ayaa nasiib darro kooma gashay, dhakhaatiirta ayaana u xaqiijiyey dadkeeda inay dhimatay.

Waxaa lagu aasayey qabuuro ku yaalla magaaladeeda, balse dadka oo dhan ayey la yaab la noqotay markii ay qeylo dhaamisay haweeneydaani ka hor inta aan qabriga la gelin.

Ka dibna qaraabadeeda ayaa tallaabo degdeg ah qaaday oo isbitaalka dib ugu celiyey, halkaasoo haatan lagu dabiibayo haweeneydaan aan magaceeda la shaacin.