Superstar Akshay Kumar wuxuu haatan ku mashquulsan yahay duubista filimkiisa weyn Prithviraj ee la daawan doono Diwali 2020 waxaana soo saare ka ah shirkada Hindiya ugu weyn Yash Raj Films balse goobta filimkan lagu duubayo aqbaar aan wanaagsaneyn ayaa laga soo sheegay.

Waxaa la sheegay qof dumar ah oo ka tirsan jilaayaasha filimkan dhaawac soo gaaray kadib markii ay faras xawaare ku socdo ay ka dhacday waxaana la sheegay in isbitaal loola cararay madaama haweeneyda miir dabool matay balse kooxda filimka Prithviraj waxay markii dambe saxaafada la wadaageen in gabadha jilaaga ah ee dhibaatada soo gaartay haatan xaalad wanaagsan ku jirto shaqadana dib ugu soo laabaneyso.

Madaama filimkan looga hadlaayo nolosha boqorkii dagaal yahanka ahaa Prithviraj Chauhan wuxuu u badan yahay dagaal dhanka seefaha ah iyo in fardaha la isku bur bursanaayo sidaa darteed shirkada Yash Raj Films dhamaan jilaayaasha mashruucan weyn tababar gaar ah ayay siisay laakiin gabadhan jilaaga ah si lama filaan ah ayay kaga sibxatay faraskii ordaayay taasina ayaa qatarta sababtay.

Filimka Prithviraj waxaa lagu duubayaa 35-goobood oo gobolada Maharshtra iyo Rajasthan ka kala tirsan weliba saxaraha Rajashthan ayaa la tagi doonaa si dagaalka fardaha loogu duubo waxaana mashruucan qayb ka ah gabadha quruxda aduunka ku guuleestay 2017 Manushi Chhillar sidoo kale Sanjay Dutt, Sonu Sood iyo Ashutosh Rana ayaa filimkan doorar adag ku leh.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here