Gabar qareen ah oo lagu magacaabo Attorney Clare Winnright ayaa waxaa akoonkeeda lagu soo qalday qiimo lacageed dhan 24.5 milyan oo dollarka Australia ah taasoo u dhiganta 18.3 milyan oo dollarka Mareykanka ah, hal habeen gudihiis ayeyna milyaneer ku noqotay.

Attorney Clare Winnright ayaa waxay daaha ka qaaday in bankigeeda ay akoonka ku leedahay ee St. George’s Bank uusan waxba ka bedeli karin qaladkaas dhacay.

Clare Wainwright ayaase go’aansatay in aysan wax qalad ah sameynin oo aysan la bixin lacagtaas, ay dareentay in qaabka qaldan loogu soo diray.

Lacagtaan waxaa usoo xawilay bankiga National Australia Bank (NAB), kaasoo ay gabadhaani ka dalbatay lacag deyn ah oo ay ku laheyd, taasoo marba qeyb la siin jiray.

Wainwright ayaa u sheegtay AAP inay la yaabtay markii ay akoonkeeda ku aragtay lacagta faraha badan ee uu ugu soo shubay bankiga NAB. Kuwaasoo xitaa siiyey ogolaanshiyo ay ku maamulan karto kulana bixi karto waqti walba.

Qaladka oo dhan waxaa uu ka yimid warqad ay bankiga u qortay Clare Wainwright bishii September, taasoo ay ku qortay in lacagta ay ku leedahay bankiga ay tahay A$24,544,780.16. Balse Wainwright qalad ayey sameysay maadaama laga rabay inay warqadda ku qorto A$2,500 oo keliya (Laba kun iyo shan boqol oo dollarka Australia ah).

Ka dibna markii ay sidaas dhacday, bankiga NAB ayaa 25.1 milyan oo dollar ka dalbaday bankiga ay Wainwright akoonka ku leedahay ee St George Bank, waana loogu shubay lacagtaas.

Balse gabadhaan sharci yaqaanka ah oo qaladka dareentay ayaan lacagtaas la bixin, waxayna dalbatay in qaladka dhacay la saxo.

Gabadhaan ayaa kusoo qortay akoonkeeda Facebook: “Marka 24.5 milyan oo dollars lagu soo xawilo akoonkaaga waa hubanti inaad ku fikireyso inaad la baxsato. Laakiin anigu qareen ayaan ahay, mana dooneyn inaan lacagtaan si sharci darro ah u isticmaalo. Waxay ii sheegeen labada banki inay muddo seddax maalmood ah u baahan yihiin si ay u xalliyaan qaladka dhacay”.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here