Hay’ada caafimaadka aduunka oo ka digtay in daawadaan isticmaalo qof Corona-Virus qabo

0
929

Hay’ada caafimaadka aduunka ee WHO ayaa uga digtay dadweynaha iney isticmaalaan kaniiniga Ibuprofen hadii ay isku arkaan calaamadaha Corona Virus.

Caabuqa Corona Virus ayaa si ba’an ugu faafay aduun weynaha taasoo kaliftay in inta badan duulimaadyadii dunida hakadaan sidoo kalana sicir barar weyn laga cabsi qabo sabab la xiriirta kala xirnaanta wadamada aduunka xili aysan haatan jirin shaqooyinkii sida joogtada loo qaban jiray.

Hadaba hey’ada caafimaadka aduunka ayaa sheegtay in dadka isticmaalo kaniiniga Ibuprofen ay iska jiraan isticmaalkiisa hadii ay isku arkaan calaamadaha Corona Viruska ayagoo uusan wax dhakhtar ah usoo qorin.

Lama oga sababta kaniinigaan looga mamnuucay dadka qaba caabuqa Corona Virus hase yeeshee dhawaan ayay aheyd markii wasiirka caafimaadka wadanka France uu asna dadweynaha uga digay daawadaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here