Hazal Kaya gurigeeda oo dab qabsaday iyo xidigtaan oo bishii 8aad xaamilo ah sidey wax u gaareen.

0
2492

Atariishada Turkida Hazal Kaya ayaa maalintii shalay aheyd guriga ay ka dagantahay magaalada Istanbull dab ka kacay xili ninkeeda uu shaqo ku maqnaa ayadana guriga kaligeed joogtay.

Hazal oo lagu wado in bishaan haatan socoto ay dhasho cunugeedii ugu horeeyay ayaa shalay iyadoo gurigeeda ku sugan guriga dhexdiisa dab ka kacay waxayna Hazal dag-dag ula xiriirtay booliska dab damiska kuwaasoo goobta yimaadeen xiligii munaasabka ahaa isla markaasna ku guuleystay iney dambka dambiyaan iyadoon cidina waxba ku noqon.

Sidoo kale booliska dab damiska ayaa badbaadiyay eeyo iyo mukulaalo ay Hazal laheyd misna rabaayad ahaan u heysatay waxayna xidigtaan haatan u wareegatay isla markaasna saldhigatay guriga hooyadeed maadaama gurigeeda uu gubtay dayactirna u baahanyahay.

Xidigtaan oo saxaafada la hadashay ayaa sheegtay iney bad qabto isla markaasna wax dhib ah soo gaarin iyada iyo cunuga ay uurkiisa leedahayba waxayna sidoo kale u mahadcelisay booliska damb damiska.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here