Hazal Kaya oo dooratay jilaagii ugu fiicnaa ay lasoo shaqeysay waayaheeda fanka.

0
1859

Atariishada Hazal Kaya waa mid kamid ah atariishooyinka loogu jecelyahay Turkey iyadoona qurux iyo qaab jiliin sare isku darsatay.

Hadaba barnaamij Live oo ay ka qeyb gashay ayaa lagu weydiiyay jilaagii ugu fiicnaa ay lasoo shaqeysay waxayna Hazal ku jawaabtay jilayaal badan ayaan lasoo shaqeeyay waayaheyga fanka sida Cagatay Ulusoy, Aras Bulut iyo Burak Deniz balse Kivanc ayaa ahaa jilaagii ugu fiicnaa ee aan lasoo shaqeeyay.

Hazal oo sharaxeyso arinkaas ayaa tiri; “Kivanc markii aan la jilaayay waxaan agaa gabar da’yar oo Fanka ku cusub balse asiga jilaa khibrad badan leh ayuu ahaa oo Fankana iiga horeeyay sidaas owgeed waxbadan ayaan ka faa’iideystay”

Hazal iyo Kivanc ayaa ku midoobay taxanahii Ask I Mamnu’ kaasoo ay ku wehlisay atariishada Beren Saat waana mid kamid ah taxanayaasha loogu jecelyahay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here