Hazal Kaya oo si adag u difaacday saaxiibteed Tuba Buyukustun kadib markii saxaafada turkida si fool xun ula dhaqmeen. Maxaa dhacay?

0
1555

Atariishada reer Turki Hazal Kaya oo sanadkii hore la timaaday taxanaha hirgalay ee Bizim Hikaye ayaa si adag u difaacday saaxiibteeda atariishada Tuba Buyukustun taasoo saxaafada turkida si qaldan ula dhaqmeen.

Tuba ayaa magaalada Paris ee wadanka France ka iibsatay guri qiimihiisu yahay 7 Million oo liiro (lacagta turkida) balse saxaafada ayaa is weydiisay halka Tuba lacagtaasi ka keentay?

Saxaafada turkida qaarkood ayaa soo qaatay sawirada Tuba oo qeybo kamid ah jirkeeda qaawanyihiin waxayna cinwaan weyn kusoo qoreen xagee ka heshay Tuba maalkan?

Hadaba atariishada Hazal Kaya oo saaxiib dhow la ah Tuba ayaa barteed Twitterka si weyn ugu difaacday saaxiibteeda iyadoona saxaafada indhaha u shidatay kadib markii ay soo qortay; “waa maxa saqajaanimadaan? Muxuuna yahay ujeedka aad kaleedihiin inaad war ceynkaan oo kale baahisaan? Gabadha mudo sanado ah ayay shaqeyneysay hanitdana dadaalkeeda ku heleysay guulna ka gaartay anagoo indhaheena shanta yihiin marka maxay tahay xagee ka keentay maalkaan? Markii nimanka gawaarida qaaliga iibsadaan ma hadaladaan oo kale ayaad qortaan? Waa inaad ka digtoonaataan waxaan oo kale, idinka waxaad tihiin saxaafad howshiinana waa wax akhrin iyo wax qorid”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here