Waxaa xalay lasoo bandhigay xalqada 28-aad ee taxanaha Hercai oo si weyn loo wada sugaayey hadaba akhristayaasheena maanta inaan idiin soo gudbino xili hore ayee ahed waana idiin kala soo daahnay marka hoos kaga bogo xalqada dhacdooyinkeeda.

Xalqada ayaa ku bilaawaneyso meeshii ah kudhamaatay tii hore xili Miiraan, Reyyan, Azaad Iliif, Caziiza dhamaan ah wada joogaan qasriga reer Sodologu naxdin iyo layaab ayee ku noqonee dadka oodhan markee ogaadan jn Azaad iyo iliif is guursadeen si qaas ah Caziiza iyo Miiraan ayaa naxayaan waxuuna bilaawa Miiraan inuu la dagaalayo Azaad balse iliif ayaa runta u sheegeyso.

Waxay leedahay walal waan jeclahay Azaad guurkana aniga raali ka ah uu iguursaday adigana qof jaceylka wax ka yaqaano ayaa tahay sido kale qoyskeena adiga kaliya ifahmi karo fadlan reerka halkaan kawad guriga aada ayee leedahay anigana nolosheyda iidaaya sidan ayaan ku faraxsanahay, Caziiza ayaa isku dayeyso inee qasab kusoo wado iliif balse Miiraan ayaa ka celinaayo waxuuna meesha kasoo wadaa ayeeydiis iyo Reyyan.

Markii guriga la yimaado Caziiza khalad oodhan Miiraan ayee dusha ka saare iyo sababta uu iliif halkaa oga soo tagay waxay kalo usheege in Azaad uu ku dhaqaaqay falkii isaga uu kudhaqaaqay maadama isaga uu Reyyan guursaday marka reer Sodologu aargoosi ayee iliif u guursadeen ayee leedahay, Suldana ayaa soo boodeysa oo dhaheyso Reyyan ayaa ka dambeyso ine Azaad iyo iliif isguursadan balse Reyyan wey isdifaace iyadoo sheegeysa in ay oged kaliya jaceylkooda balse guurkooda aysan war ka heynin.

Dhanka kale iliif so dhaweyn ayee ka helee reer Sodologu marka laga reebo oday Nasuh oo neceb maadama ay dhaawacday wiilkoisa Hazar, waxuuna Nasuh la hadla wiilku awoowga u aha asoo ku faanayo in iliif uu usoo guursaday si uu qoyskiisa ugu aargudo balse Azaad ayaa awoowgii usheegayo in sheekada aargosi ahen iliif na uu jaceyl u guursaday xaaskiisana tahay, Hazar iyo iliif wey sheekeysanayaan waxayna u sheege ine jeceshahay Azaad balse isaga uusan jecleyn dhanka kale Reyyan waxay isku dayee inee Miiraan dajiso kaaso ka careysan guurka Azaad iyo iliif balse Miiraan hadalka Reyyan kuma socdo.

Waxaa xiga in Caziiza dagaal ku dhawaaqeyso iyo inee weerareyso reer Sodologu si gabadheeda ay dib oga soo ceshato balse Miiraan ayaa soo dhexgalaayo waxayna ku qasbee inuu baxo kaligiis iliif na reerkaas kaso wado balse Reyya ayaa celineyso una tilmaameyso in isaga madaxiis meeshaas dagaal oga dhicin isaga madaxiisna qofna dhaawac ugaarin si uusan hadhow oga qoomameyn sidaas ayuuna ku haraa Miiraan.

Oday Nasuh ayaa ku jees jeesaayo Caziiza Mobile-ka ayuuna ka wacaa guusha uu gaaray ayuuna ugu faana booto ayaana ka dhaceyso halkaas labada dhinac ah waxaa xiga muuqaalo Miiraan iyo Reyyan jaceyl ku wadaagayaan Caziiza wey soo qalab qaadane ayadoo ciidankeeda soo diyaarsatay si ay u weerarto habeenino reer Sodolugu balse Miiraan ayaa markale celinaayo waxuuna u sheega in kaligiis baxaayo iliif na keenayo kaligiis wuuna baxaa.

Reyyan ayaa ka war heleyso weyna ka daba baxee dhamaan sido kale Furaat iyo Caziiza wey kasoo daba galayaan waxaa is helayaan Miiraan iyo Azaad oo biskoolad isku qabanayaan xili ay ku kulmayaan albaab reer Sodologu iyadoo Miiraan uu doonayo inuu iliif meesha kasoo wado balse iliif weydiidee xitaa Caziiza ayaa imaaneyso weyna diide dhamaan labada qoys banaanka irida ayee ku kulmayaan.

Kadib Caziiza ayaa goobta ka sheegeyso sheeko been abuur ah oo ku saabsan Hazar iyo Miiraan hooyadiis Dilshaah meeshaas ayuuna Miiraan xanaaq ka bilaawa Caziiza na danteeda intaas ayee ahed weyna kasoo dhaqaaqe goobta balse Hazar ayaa isku dayaayo inuu Miiraan wax fahamsiiyo isagoo runta usheegayo in uusan hooyadiis Dilshaah wax dhiba u geysan.

Reyyan iyo Hazar sikastee Miiraan wax oga dhaadhiciyaan waxba kama aaminaayo waxuuna Hazar ku dhaarana inju Dilshaah jeclaa isagana uusan dilin waana muuqaalka ugu qiiraha badan xalqada xili Hazar ilmeynaayo balse Reyyan ayaa dajineyso waxayna u sheege in iyada Reyyan ah aamisantahay marwalba maalin maalmaha kamid ahna uu Miiraana aamini doono kadibna Hazar guriga ayuu galaa isagoo murugeysan.

Hazar waxuu qabsana Zahra sababte reer Aslanbey u booqatay misane Reyyan ugu sheegtay arinkii ahaa beenta Miiraan laga sheegay inee iyada Zahra ah ka dambeysay waxuuna Hazar ka maqlay Reyyan oo arinkaas Miiraan xusuusineysay kadib Zahra wey murugoonee waxayna ka shalaayne inee Hazar gacan dhaaftay arinkiina kashiftay.

Waxaa lagu tusaa muuqaalka xiga oday Nasuh oo reerkiisa isugu wacaayo waxuuna u sheega in xaflad aroos uu dhigaayo Azaad iyo iliif balse labadooda xaflad aroos ma rabno ayee dhahayaan laakiin Nasuh wuu ku adkeysana dhanka kale duqda Caziiza la dhalatay ee qoyska Sodologu ka shaqeysa ayaa qorshahan maqleyso waxayna ogeysiine Caziiza qorshaha arooska Nasuh diyaariyay dhanka kale Haandaan xaflada arooska raali kama ahan waxay ka cabsi qabtaa Caziiza in wiilkeda dhib gaarsiiso xitaa iliif ayee usheege in wiilkeda ay isaga fogaato arooskana macquul ahen Caziiza aawged.

Azaad ayaa hadalkaa maqlaayo kuna qabsanaayo hooyadiis waxay dhahday ugu dambeyna iliif ayuu goobta ka wadaa si ay magaalka uguso lugo baxsadaan, Caziiza oohin ayee jabsanee iyo murugada aduunka oo kusoo wajahday waxaa lagu tujaa jirkeeda dhaawacyo kuyaalan cida u geysatayna lama oga weyna baroorane xili Asmaa ay la joogto murugadana la qeybsaneyso dhanka kale Azaad waxuu ka walwalsanyahay siduu ku ogaan lahaa iliif waxay rabto iyo waxa qalbigeeda kujiro maadama isaga waxba usheegenin sidaa aawged Reyyan ayuu wacaa meelna wuu ku ballamina si ay iliif u wareysato waxay rabtana lo ogaado ileen iliif Reyyan waxba kama qarin karto balse Miiraan ayaa ku adkeysanaayo inuj Reyyan raaco meesha Azaad iliif joogana so arko iyo xaalkooda.

Miiraan sida caadad ahed isaga iyo Azaad muran ayaa dhexmaraayo kadib iliif iyo Reyyan qolka ayee galayaan kuna sheekeysanayaan iliif waxay Reyyan u sheege inee jeceshahay Azaad balse isaga uusan jeclen wax walbo oo rabitaankiisa ahna iyada teda uu ka hormarinaayo maadama labadooda arooskooda uu heshiis ahaa waxayna ku heshiyeen inee danaha labada qoys isku guursadaan si colaadan u dhamaato waxuuna Azaad si cad ugu sheega iliif inuusan jecleyn.

Intee Reyyan iyi iliif gudaha ku sheekeysanayaan waxaa lagu tusaa muuqaal shactiro ah oo dhexmaraayo Miiraan iyo Azaad maadama ay is ur ursanayaan waana ku qosli doontaa habdhaqankooda iyo markuu Azaad iskudayo inuu shaah sameeyo waxuu dhaha Miiraan ma xiligaan ayaa shaah la sameyaa xili Azaad uu ku jawaabayo in Shaaha uusan waqti gaar ah laheen waqti walbana ka karsan karo kkkkk.

Kadib nalka ayaa ku damaayo Miiraan Reyyaan, Azaad iyo iliif oo hal qol kuwada jiraan waxaana soo weerareyso Caziiza oo guriga ay kujiraan dab qabadsiineyso waana aqal magaalada ka baxsan oo reer Sodologu leeyihiin waxayna Caziiza ayadok qeylineyso dhahe intaan noolahay arooskan ma dhacaayo.

Dhanka kale Miiraan iyo Azaad waxay isku dayayaan inee dabka damiyaan albaabka oo kuxirmayna furaan balse Reyyaan ayaa suuxeyso oo dhulka ku dhaceyso xili Azaad dhankiisa dhaawac gaarayo wuuna suuxaa sido kale iliif nafteeda qatar ayee kujirtaa dhanwalba dab ayaa ka hareereyay meele ka baxdo maleh waxayna kudhowdahay inuu dab qabsado Miiraan talo ayaa kucad meelo maro maleh dab ayaa ku hareerersan dhinac wuxuu ka arkaa Azaad oo suuxay dhinac kale iliif oo dab ku hareeresan balse waxuu weynaa Reyyan kor ayuuna u qeylinaa isagoo leh Reyyaan halkee kabaxday ku aaway marna iliif ayuu leeyahay.

Dhamaad xalqada halkaas ayee kudhamaane taxliil kusaabsab xalqada ayaan idiinsoo gudbin doonaa maqaalkeena xiga kaga bogo….

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here