Hazar oo soo naaxay sheegayna in Miran uu yahay qofka dhaawaca soo gaarsiiyay Reyyan oo shoogsan iyo dhacdooyinka xiisaha leh ee xalqada 21aad taxanaha Hercai.

1
16748

Waxaa xalay sidii caadada aheydba lasoo galiyay xalqadii 21aad ee taxanaha Hercai waxaana halkaan idiin kuugu soo qaadan doonaa dhacdooyinkii ugu xiisaha badnaa ee xalqada.

-Xalqada ayaa ka bilaabaneyso meeshii ay tii hore ku dhamaatay markii ay Zahra dharbaaxo ku kala jiido Reyyan

-Zahra Reyyan dharbaaxo kaliya uguma ekeyneyso waxayna ka ceyrinee isbitaalka ayadoo dhaheyso adigoo nin aabahaaga dhimasho la doonayo gacantiisa ku dhagan halkaan iima sii joogeysid ee labadiinaba is raaca igana hor wareega.

-Reyyan waxay isku dayee in hooyadeed ka dhaadhiciso in Miran uu bari yahay misna aaminsantahay midaas.

-Balse Zahra waxay Reyyan ku dhahee hadii uu bari yahay oo uusan asiga aabahaaga soo ridin waa balan inaan raali galinaayo balse hadii ay ku cadaato in asiga ka dambeeyay waxa aabahaaga ku dhacay markaas waligeey hooyo kuuma noqonaayo adigoon ninkaan ka harin.

-Reyyan markii isbitaalka laga buriyo iyada iyo Miran waxay ku sugayaan isbitaalka banaankiisa inta uu Hazar kasoo kacaayo.

-Gol markii ay aragtay Reyyan oo hooyadeed dharbaaxeyso ayay iska baxee waana laweynaa meel ay jaan iyo cirib dhigtay.

-Gol waa la helay ayadoo dadka dhan u careysan siiba hooyadeed iyo awoowgeed Nasuuh sabab la xiriirta in Reyyan buriyeen.

-Nasuh ayaa u tagyo Zahra wuxuuna u sheegaa in burintii ay Reyyan burisay ku saxsaneyd sababtoo ah Hazar wuxuu dhaawacaas usoo gaaray gabar uusan aabo u aheyn darteed balse Zahra ayaa oday Nasuh jac ku dhajineyso waxayna leedahay aniga iyo gabadheyda hana soo kala dhex-galin.

-Aziiza iyo Suldanah ayaa is wajihi doonaan sida caadada ahna Suldan markale ayaa dhulka lagu jiidi doonaa taasoona sababeyso in Gonul xanaaqdo ayaydeedna wajahdo.

-Gonul ayaa ayaydeed u sheegeyso in bahdilka hooyadeed lagu haayo aysan u adkeysan Karin sidaas darteed warqadihii ay Furat ka heysay inta soo bixiso ayay ayaydeed weydiinaa haatan ii sheeg walaalkey Furat miyaa?

-Aziiza ayaa Gonul ugu jawaabeyso kaba soo qaad walaalkaa ayuu noqday  waad u tagtay oo u sheegtay makula tahay inuu nabad galyo ku noolaanayo ayadoo reer Sadoglu wiilkooda Hazar isbitaalka jiifo?

Marka ugu horeyso oo ay ogaadaan in walaalkaada noolyahay horay ayay kaga takhalusayaan ogoowna sababta aan mudada intaas la eg u qarinaayay iney tahay sidii naftiisa halis u gali laheyn oo cadowga usoo haweesan laheyn balse hadaad adiga dooratay inaad banaanka keento ogoow inaad dhimashadiisa dooratay.

-Gonul markii hadalka ayaydeed maqasho waxay dooranee markale ineysan hadlin si walaalkeed naftiisa halis u galin inkastoo wali la bayaaninin inuu furaat yahay iyo in kale.

-Miran wuxuu wadaa Reyyan si uu niyada ugu soo dajiyo murugtana uga kala yareeyo muuqaalo Romantic ah.

-Miran iyo Reyyan iyagoo magaalada duleedkeeda joogo ayaa waxaa meesha ku helaayo roob mahiigan kaasoona sabab u noqonaayo iney meesha ku xayirmaan habeenkaas waxayna wada qaadanayaan waqti Romantic ah inkastoo Reyyan murugsantahay wali.

-Asmaa oo baxar gashay kadib markii Aziiza ku qabatay iyadoo isbitaalka uu Hazar ku jiro wacayso xaalkiisana weydiineyso balse Asmaa ayaa Aziiza ku dhaheyso waad ogtahay inaan Hazar mudo dheer is naqaano sidaas ayaan xaalkiisa uga wareysan rabo.

-Aziiza ayaa Asmaa uga jawaabeyso hadaad isweydiineyso xaalkiisa Hazar wuu noolyahay dadka xun xun sahal kuma dhintaan  khaladkuu galayna ciqaabteeda wuu nari balse Asmaa ayaa Aziiza ku dhaheyso kii aan anaga galnayna soo ciqaabtiisa ma mareyno Aziiza ayaana ku jawaabeyso aniga horay ayaan ciqaabta usoo maray oo waa iisoo hormartay adigana inaadan ciqaabtaas oo kale marin ayaan rajeynaa (oo hanjabaad camal ah).

-Aziiza 4 qof ayaa miiska u saaran oo ay ugashakisantahay inuu cadowgeeda cusub yahay waxayna kala yihiin Gonul, Suldana, Asmaa iyo Xaniifa.

-Haandaan ayaa ogaan doonto in Zahra xaamilo tahay muuqaal qosol badan ayadoo waliba aad ula yaabi doonto.

-iiliif waxay booqanee isbitaalka iyadoona meesha kula kulmi doonto Azaad balse waxaa soo qaban doonto Aziiza oona guriga si qasab ugu soo celin doonto.

-Suldanah waxay ka cabsaneysaa in iiliif soo xusuusato dhacdadii ay aabaheed iyo hooyadeed ku dhinteen taasoo ay ayadana lug ku laheyd.

-Suldaana si aysan iiliif usoo xusaasan dhacdadii hooyadeed iyo aabaheed waxay la xiriiree Yaariin una sheegee in dalabkeeda aqbashay iiliifna u diyaarin doonto guurka Azaad.

-Miran iyo Reyyan waxay ogaanayaan warqadii Hazar u waday Miran balse warqadii meel kuma sheegaan waxayna guda galayaan iney raadiyaan dhambaalkaas.

-Reyyan waxay ogaanee in xabadihii lagu furay Miran ay ka dambeyso Aziiza waxayna iyada iyo Miran soo aadayaan qasriga si warqadaas lacala hadey dhacday Asmaa loo weydiiyo,

-Reyyan iyo aziiza ayaa qasriga ku kulmaayo xili aziiza ay danqineyso nabarada Reyyan taasoo kalifeyso in Reyyan is celin weyso ceejina ku dhagto Aziiza.

-Hazar wuu soo kacay wuuna soo naaxay wuxuuna dalbanaa in ay u yimaadaan Reyyan iyo Miran.

-Dhamaadka xalqada Hazar ayaa Miran oo meesha taagan u sheegaayo Reyyan inuusan jaranjarada kasoo dhicin balse lasoo riday qofka soo ridayna uu yahay Miran.

Xalqadana ayaana halkaas ku dhamaaneyso ayadoo Reyyan yaabantahay Mirana indhaha taagayo.

1 COMMENT

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here