Hazar sadoglu aabo naxariis badan wiilkiisa cadow looga dhigay dambigiisana inuu yahay jaceylkiisa.

0
7560

Waxaan idiin bilaabi doonaa barnaamij cusub oo aan uga hadli doono dhamaan shakhsiyaadka taxanaha Hercai iyo midkasta doorka uu taxanaha ku matalaayo waxaana barnaamijkeena ku bilaabi doonaa Hazar Sadoglu.

ugu horeyn Hazar waa shakhsiga ugu nadiifsan taxanaha dhibaatada uu maraayana waxaa u sabab ah inuu Dilshaah jecldaay taasoo keentay in wiilkiisa cadow looga dhigo.

Hazar waa aabo wanaagsan gabdhihiisa inkastoo uusan Reyyan dhalin hadana sidii gabadhiisa oo kale iyo kadaran ayuu u difaacaa wuxuu markasta ka difaacaa aabihiis oo og inuusan gabadhaan awoowe u aheyn sidoo kalana qoyska walaalkiis ayuu ka difaacaa markii laga reebo Azaad.

Hazar wuxuu jaceyl u qaadaa Dilshaah balse nasiib xumo ma calfanaayo mudo kadibna wuxuu guursanaa Zahra oo waliba uurka Reyyan leh iyadoona nin kale uu aabo u yahay Reyyan.

Waa aabo ixtiraamo dareenka gabadhiisa ma qasbo jaceylkeedana wuu ixtraamaa balse Caziiza ayaa waxay cadow uga dhigeysaa wiilkiisa oo uusan marnaba ka warqabin.

Hazar ma oga inuu Miran dhalay wuxuuna u heystaa Miran inuu cadowgiisa dhalay sidaas oo ay tahayna Miran ma necba markastana wuxuu isku dayaa inuu xaqiiqda u bayaaniyo oo uusan dilin aabihiis iyo hooyadiisa balse Aziiza ay been usoo dhoodhoobtay.

Hazar waa shakhsiga ugu badan ee dhibka loogu geystay taxanaha Hercai waayo jaceylkiisa ma helin, gabar uusan dhalin buu aabo u yahay, wiil uu dhalay inuu jiro ma oga tan ugu daran waxay tahay in wiilkiisa cadow looga dhigay markastana la doonayo inuu gacmihiisa ku dhinto.

Hana iloobina in gabadhiisa Reyyan dambi aysan galin lagu ciqaabay oo magaalada oo dhan lagu fadeexeeyay intii laga goyn karayna laga gooyay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here