Tamil Superstar Vijay filimkiisa xiga Master waxaa laga soo bandhigay hees cusub oo jaceyl ah taasi oo lagu magacaabo Andha Kanna Paathaakaa waxaana heeskan kala soo muuqatay atirishada filimkan Malavika Mohanan waana hees siweyn loo hadal haayo haatan.

Filimka Master waxaa la qorsheenaa in la daawado 9 April 2020 balse haatan suura gal ma ahan madaama weli tiyaatarada Hindiya xiran sidoo kalena xaalada weli 100% soo hagaagin madaama Coronavirus-ka weli Hindiya dhibaato ku haayo.

Heeskan Andha Kanna Paathaakaa wuxuu kusoo bandhigay Superstar Vijay jaceylkiisa iyo dabacsanaantiisa sidoo kalena qof walbo waxaa soo jiitay quruxda iyo qaabka wacan shaashada lasoo gashay atirishada filimkan Malavika Mohanan.

Heeska Andha Kanna Paathaakaa waxaa ku luqeenayaa Yuvan Shankar Raja halka Anirudh Ravichander muusigada saaray sidoo kalena laxanka waxaa sameeyay Vignesh Shivn fadlan hoos ka daawo heeskan cusub filimka Master laga soo bandhigay:

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here