Inaba caadi ma ahan sida loo hadal hayo mashruuca Marjaavan ee 15 bishaan tiyaatarada la saari doono waa Filim Bollywoodka qabsaday waxaana la filaa inuu guul wacan gaaro maadama dadka si weyn u hadal hayaan.

Filimka Waa dagaal aargoosi ah fariin ka hadleyso Raghu (Sidharth) iyo Zoya ( Tara) waa wiil iyo gabar is jecel hal iskuulna wax iskala soo barteen iyagoo nolol farxad leh dhexda kaga jiraan waxaa soo dhex galaayo Riteish Deshmukh.

Riteish Filimka door xumaan ah ayuu kujilaa waana kaaba laadarka Filimka oo dhib badan u geesan doono lamaanahan halka Rakul Preet Singh muuqaal marti la fidiyay ay ku leedahay waxaana loo daawan doona sida lamaanahan guusha u gaari doonaan dhamaadka Filimka.

Hees cusub ayaa laga soo bandhigay maalmo kahorna goos gooskiisa ayaa lasoo bandhigay markaas ayuuna hadal heyntiisa bilaawday Filimkaan hadaba heeskan cusub waxaa loogu magac daray Kinna Sona.

Waa hees ay isku jeclaanayaan Sidharth Malhotra iyo Tara Sutaria balse Rakul Preet Singh ayaa u muuqata qof qalbiga ka jabay bal hoos ka daawo heeska adiga ka heli doontide…

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here