Heesaaga laga daba dhacay Arjit Singh ayaa ku guuleestay abaal marinta Filmfare Awards qaybta heesaaga ragga ugu wanaagsan wuxuuna ku qaatay biladan heeska Kalank Nahi Ishq ee uu ka qaaday filimka Kalan oo sanadkii hore la daawaday.

Haddaba Arjit Singh bilada la gudoonsiiyay waxay ka dhigan tahay labo iskoor dhigay midda kowaad wuxuu bar bareeyay heesaa Kumar Sanu iskoorkii u gaarka ahaa in abaal marinta Filmare Awards 5-sano isku xigtay horey u qaada intii u dhaxeesay 1990 ilaa 1994 haatana Arjit wuxuu sameeyay in 2016 ilaa 2020 si xariir ah isaga biladan u qaadayo.

Sidoo kale Arjit Singh iskoorka labaad uu sameeyay waxay tahay inuu ka bilad badnaaday labada halee Kumar Sanu iyo Udit Narayan oo min 5-jeer Filmfare Awards ku guuleesteen haatan Arjit waxaa loo diiwaan galiyay 6-jeer inuu abaal marintan qaaliga ah ku guuleestay.

Arjit Singh haatan wuxuu heestaa fursad qaali ah uu kaga talaabi karo halyee Mohammed Rafi oo horey 6-jeer biladan ugu guuleestay sidoo kalena wuxuu gaari karaa halyeega weyn Kishore Kumar oo isagan 8-jeer abaal marintan ku guuleestay.

Fadlan hoos kaga bogo 6-sano guud ahaan Arjit Singh ku guuleestay abaal marinta Filmfare Awards:

2014 – Tum Hi Ho (Aashiqui 2)

2016 – Sooraj Dooba Hain (Roy)

2017 – Ae Dil Hai Mushkil (Ae Dil Hai Mushkil)

2018 – Channa Mereya (Badrinath Ki Dulhania)

2019 – Ae Watan (Raazi)

2020 Kalank (Kalank)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here