Abaal marinta loo yaqaano Best Singer Award ama heesaaga ugu wanaagsan bilada la siiyo waa abaal marin caan ah India marka la joogo shirkada Filimfare ayaa ugu caansan wax biladaan bixiyaan waxayna bilaawen bixinta abaal marintaan sanadkii 1960.

Qofka ugu badan ee biladaan ku guuleysta waxuu ahaaa Mukesh sanadkii 1960 waxuuna noqday heesaagi ama Fanaankii ugu wanaagsanaa sanadkaas sido kale Kishore Kumar ayaa ah qofka tirada ugu badan ku guuleystay.

Heesaayaasha Tirada Ugu Badan Ku Guuleysteen Dhanka Ragga:

Kishore Kumar: 8 jeer

Mohammed Rafi: 6 Jeer

Kumar Sanu: 5 jeer

Udit Narayan: 5 jeer

Arjit Singh: 5 jeer

Mukesh: 4 jeer

Mahendra Kapoor 3 jeer

Iskoorada Laga Diiwaangaliyay Abaal Marintaan:

Shaqsiga abaal marinta ugu badan heesaaga ugi wanaagsan ku guuleystay: Kishore Kumar 8 jeer ayuu ku guuleystay.

Shaqsiga tirada ugu badan u tartamay: Kishore Kumar 28 jeer ayuu u tartamay.

Shaqsiga sanadaha ugu badan isku xigaan ku guuleystay: Kumar Sanu 5 sano isku xiriir ah ayuu biladaan ku guuleystay.

Shaqsiga Decade (10 sano) kala duwan ku guuleystay: Udit Narayan 3 Decades kala duwan ayuu ku guuleystay.

Shaqsigii ugu horeeyay abaal marintaan ku guuleysta : Mukesh sanadkii 1960 ayuuna hantay.

Shaqsiga waligiis aan ku guuleysan biladaan hadana tirada ugu badan u tartamay: Kk 7 jeer ayuu u tarramay.

Shaqsiga hal sano gudihiisa tirada ugu badan ugu tartamay abaal marintaan:Kishore Kumar 4 jeer ayuu hal sano gudihiis u tartamay.

Shaqsiga Da’da ugu yar isagoo jira ku guuleystay biladaan: Arjit Singh 26 jir asoo jira ayuu ku guuleystay.

Shaqsiga Da’da ugu yar isagoo jira u tartamay Biladaan: Master Vingesh 11 jir asoo ah ayuu u tartamay abaal marinta Best Singer Award.

Qodobka Udit Narayan ee Decade sharaxaad ku saabsan: Udit markii ugu horeysay waxuu ku guuleystay abaal marintaan sanadkii 1989 oo katirsan 10-ka sano ee ah 1980-1989 sido kale 90-kii oo decade kale ahna wuu ku guuleystay halka 2002 oo decade kale ahna uu ku guuleystay waana sababta loo dhaho 3 decade kala duwa .

Maqaalkaan Qeybtiisa Labaad Waxaan Kusoo Bandhigeynaa Qeybta Dumarka Ee Heesaayaasha Ah:

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here