Home » Arimaha Bulshada » Heesaga caanka ah Johnny Hallyday oo geeriyooday

Heesaga caanka ah Johnny Hallyday oo geeriyooday

Johnny Hallyday oo ahaa Hesaa u dhashay wadanka Faransiiska ku caan baxay heesaha  Poop-ka ayaa saaka geeriyooday magalada Paris wadanka Faransiska. kadib xanuun ka cancer kaga dhacay  sanbabada.

Johnny Hallyday oo jiray da’da 76 sano.

Waxaana ka tacsiyeyay madaxweynaha dalka faransiska Emmanuel Macron.

Xidigaan waxaa lagu xasuusan doonaa in sanadkii 2011 in  albunkiisi “Jamais Seul” lagu iibiyay suuqa ilaa boqolkun oo koopi, isbuuci ugu horeeyay ee suqa uu soo galay, taas oo ah rikoor aad u sareeya marka loo eego jilkisa waqtigaas.

1965 ayuu gursaday  gabar heesaa eheed Sylvie Vartan taas oo u dhashay ,David Hallday, kadib way kalatageen.

Xidigaan oo soo maray guur fara badan haddane gabdha ugu badan ay wada joogeen waa  Laeticia Boudou  taas oo u dhashay labada gabdhod kala ah  Joy iyo Jade.

Ugu danbeyntii Hesagaan wuxuuna qaaday boqolaal heesod, waxaana ugu cansanaa  “que je t’aime” micnaheeda yahay “waa kujeclahay”

W/D: Abukar Mohamed Siimow

Abukar5000@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *