Qof walbo ayaa sugi weesan daawashada aflaanta waa weyn Tanhaji oo la daawan doono 10 Janaayo 2020 iyo Good Newwz oo isagana la daawan doono 27 Dec 2019 weliba labo todobaad kaliya ayaa u dhaxeyso daawashada aflaanta waxaana hogaamiyaal ka ah labada Superstar ee ku dhawaad 30-sano Bollywood-ka ka tirsan waa Ajay Devgn iyo Akshay Kumar.

Marka kowaad waxaa lasoo bandhigay heeska Shankara Re Shankara oo filimka Tanhaji ku jirto waana hees karti badan Devgn kusoo bandhigay sidoo kalena siweyn haatan loo hadal haayo weliba 24-saac ka yar waxaa barta T-Series ee Youtube-ka ku leeyihiin ka daawatay 16m oo qof ku dhawaad fadlan hoos ka daawo waxaana heeskan ku luqeenayo Mehul Vyas:

Dhinaca kale kooxda filimka Good Newwz waxay soo bandhigeen hees kala kacsan oo loogu tala galay xafladaha aroosyada waxaana lagu magacaabaa Sauda Khara Khara waxaana ku luqeenayaan Diljit Dosanjh, Sukhbir iyo Dhvani Bhanushali halka muuqaal ahaan laga duubay Diljit Dosanjh, Kiara Advani, heesaaga reer Punjab Sukhbir iyo Akshay Kumar ilaa iminkana 9-milyan oo qof ku dhawaad ayaa Zee Music barteeda Youtube ku leedahay ka daawadeen mudo 24-saac ka yar:

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here