Inaba caadi ma ahan Megastar Salman Khan ayaa soo bandhigay heeskii la wada sugaayay Munni Badnaam Hui waxayna sarey usii qaaday hadal heynta filimkiisa Dabangg 3 oo 20-ka bishan December la daawan doono madaama heeskan dhan walbo ka dheeli tiran tahay.

Heeska Munni Badnaam Hui waxaa udub dhexaad u ah Salman Khan sidoo kalena atirishada Warina Hussain ayaa heeskan kala kicisay halka xamaasada heeska cirka sii gashay markii uu shaashada soo galay boqorka Dance-ga Prabhudeva oo ay Salman si heer sare ah iskula jaan qaadeen bandhig cayaareed cajiib badan.

Heeska Munni Badnaam Hui waxaa muusigadiisa diyaariyeen Sajid iyo Wajid halka ay ku luqeenayaan Kamaal Khan iyo Mamta Sharma halka raabka Badshah isagana ka marneyn waxaana dhacday durba 10-milyan oo qof inay ka daawadeen barta Youtube-ka ee shirkada T-Series ku leedahay ayadoo 24-saac la gaarin xiligii lasoo bandhigay heeskan hirgashay.

Fadlan hoos ka daawo heeska Munni Badnaam Hui ee sida weyn loo hadal haayo adigaaba ka heli doontid:

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here