Heeska hirgalay Bala Superstar Akshay Kumar Hindiya ayuu ku qabsaday ilaa haatana waxaa la isku dayaa xujadiisa in lasoo furo qaabka uu u cayaaro inkastoo qof madaxa xiirto sida Kumar oo kale la waayay waxayna heeskan sare u qaaday hadal heynta filimka weyn Housefull 4 oo 25-ka bishan October ama fasaxa Diwali 2019 la daawan doono.

Haddaba waxaa shaaca laga qaaday in heeska Bala 20-daqiiqo lagu qoray laakiin ogolaansho ahaan in dib loo sameeyo qaadatay mudo lix bilood ah sidii fasax looga heli lahaa qolyahaha asal ahaan heeskan horey u sameeyeen marka si sahlan laguma soo helin heeska Bala ee Akki in badan ku xarakeeyay qaab jiliin ahaan.

Heeskan waxaa asal ahaan u sameeyay muusigiistaha lagu magacaabo Tony Monty waxayna qaadatay mudo lix bilood ah in laga dhaadhacsiiyo Tony Monty heeskiisa inuu ogolaado dib loo sameeyo waxaana arinkan waqti badan ku bixiyay soo saare Sajid Nadiadwala oo markii dambe Tony Monty lacag ku filan siiyay.

Laakiin Director Farhad Samji marka heeskan loo soo gacan galiyay kaliya 20-daqiiqo ayuu ku qoran ayadoo habeesan loona bixiyay magacaba Bala waxayna noqotay hees Hindiya oo idil haatan heesato ayadoo uu ku luqeeyay fadlan hoos ka daawo markale adigaa ka heli doontid heeskan hirgalay oo ku dhawaad 34-milyan oo qof ka daawadeen barta T-Series ku leeyahay Youtube-ka:

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here