Filimka Coolie No. 1 Jimcadan nagu soo fool leh ayaa Online ahaan barta Amazon Prime Video looga daawan doonaa waxaana si rasmi ah loo soo bandhigay heeskii ugu dambeeyay filimkan waana Mirchi Lagi Toh mana ahan hees nagu cusub waa hees Classic ah oo Govinda, Karisma, Kumar Sanu iyo Alka Yagnik lagu xasuusto kuna jirtay filimkii Coolie No. 1 ee sanadii 1995 la daawaday.

Haddaba dib u habeynta heeska Mirchi Lagi Toh waxaa lagala kulmay ceeb iyo diidmo xoogan waana heeska kaliya ee filimkan dadka oo idil iska diideen waxaana qaladka iska leh kooxda filimkan oo dib u sameynta heeskan ku cayaareen waxaana ka mid ah qaladaadka ay galeen.

Codadka Kumar Sanu iyo Alka Yagnik wey soo ciliyeen toon ama mowjad culus ayay ku fureen waxayna ka dhigeen mid daciif ah oo ceejisan sida guudna Remix-ka ayay ku badiyeen taasi oo ka dhigtay in nuxurka laga qaaday codadka Kumar iyo Alka heeskii Mirchi Lagi Toh wuxuuba u ekaaday mid tababar lagu dul sameenayo!

Midda kale Varun Dhawan iyo Sara Ali Khan marnaba masoo dhaweynin wacdarihii Govinda iyo Karisma ka dhigeen heeskan labadan halyee waa qasab inay niyad jabeen markii ay arkeen heeskooda Mirchi Lagi Toh ay ku xarakeeyeen is fahan Classic ah ku muujiyeen in 25-sano kadib lagu cayaaray!

Fadlan hoos ka daawo heeska Mirchi Lagi Toh oo lagu fashilmay dib u sameynteeda siweyna loogu jeex jeexayo baraha bulshada iyo Youtube-ka:

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here