Heeska Nain Phisal Gaye Ee Filmka Welcome To New York Oo Lasoo Bandhigay Salman Iyo Sonakshi (+Video)

Waxaa si rasmi ah loo soo bandhigay heeska Nain Phisal Gaye ee ku jirta filmka xiga ee Sonakshi Sinha  Welcome To New York.

Filmkaan waxaa doorar muhiim ah kuleh xidigaha kala ah Karan Johar, Diljit Dosanjh iyo kuwa kaloo badan halka Salman Khan, Lara Dutt, Sushant Singhh Rajput iyo kuwa kalena ay muuqalo marti ah ku leeyihiin.

Heeska waa Sonakshi oo ah qof dharka Fashionka naqshadeysa waxana ku dhiira galinaayo shaqadan Diljit halka ayadana ay iska wadaneyso riyadeeda aan dhaamadka lahen waxayna marwalba ku riyoone ama ku qalbine ayadoo Salman dhar Fashion ah u sameyneeso.

Fadlan Halkaan Hoose Ka Daawo Heeska Nain Phisal Gaye ee ku jirta filmka Welcome To New York kasona la daawan doono 23 bishaan Febraayo.