Heeska Paniyon Sa Ee Kujirta Filmka Satyameva Jayate Oo Lasoo Bandhigay (+Video)

Kadib filmka Parmanu jilaaga Action-ka looga haray John Abraham waxuu markale la imaanayaa sandkaan mashruuc kale oo xiiso leh kaaso lagu magacaabo Satyameva Jayate.

Filmkaan dagaal ah waxaa wada jilaayan John Abraham, Aisha Sharma iyo Manoj Bajpayee halka uu Director ka yahay Milap Milan Zaveri waxaana la daawan doona 15 Aug 2018 filmka Gold ayuuna Box-office-ka kula dagaalami doona.

Hadaba daawadyaasha horey waxay u daawadeen goos gooska mashruucan laga soo bandhigay aadna kaga heleen haatana waxaa lasoo bandhigay heeskii kowaad ee filmkaan laguna magacaabo Paniyon Sa.

Waa hees ay isku soo dhowaanayaan John iyo Aisha dareena ku muujinayaan, halkaan hoose ka daawo: