Superstar Vijay ayaa shalay si rasmi ah usoo bandhigay Album-ka heesaha filimkiisa Master waxaana lagu soo bandhigay xaflad weyn oo ka dhacday magaalada Chennai ee xarun u ah dhul weynaha Telugu ayadoo tageerayaasha Vijay badankooda goobta imaadeen.

Haddaba kooxda filimka Master marka ay Album-ka mashruucan soo bandhigeen kadib waxay hawada ama Youtube-ka kusoo fasaxeen hees cusub oo lagu magacaabo Vaathi Raid muuqaalkana waxaa lagu lifaaqay laxanka heeskan ayadoo Vijay si wacan u xarakeenayo.

Heeskan ayaa soconeyso waqti ahaan waxay soconeysaa 3-daqiiqo & 39-ilbiriqsi waxaana heeskan ku luqeenayaan Arivu iyo Anirudh Ravichander waxaana la isla dhex maraa in filimkan dib u dhac ku imaan doono daawashadiisa madaama markii hore la qorsheenayay in la daawado 9 April 2020 balse midaas lama hubo madaama Coronavirus dhibaato ku yeeshay tiyaatarada Hindiya oo badankooda la xiray.

Filimka Master waxay Vijay ku hardami doonaan Vijay Sethupathi  oo laadar ka ah mashruucan halka Malavika Mohanan halka Lokesh Kanagaraj uu Director ka yahay, fadlan hoos ka daawo heeska Vaathi Raid oo siweyn Koonfur Hindiya looga hadal haayo:

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here