Waxaa la soo saaray heeska labaad ee filimka Dil Bechara iyadoo magaca heeska lagan dhigay Taare Ginn, waana hees jaceyl ah oo ay muuqaal ahaan u wada jilayaan jilaayaasha hoggaaminaya filimka ee Sanjana Sanghi iyo aktarka geeriyooday ee Sushant Singh Rajput.

Heeskan waxaa ku luuqeynaya fanaaniinta kala ah Mohit Chauhan iyo Shreya Ghosal kuwaasoo kala matalaya labada jilaa.

Aktarka filimkan ee Sushant Singh Rajput ayaa isagoo wata mooto guriga irriddiisa ugu imaanaya atariishadan, taasoo qoorta ku sidata sanduuq oksijiin(Oxygen) ah, waxaana marka ay mootada soo fuushada ay galineysaa laabteyda isagoo kasii jeeda.

Halkan ka daawo heeska Taare Ginn oo ah heeska labaad ee filimka Dil Bechara laga soo bandhigay.

Filimka Dil Bechara ayaa la daawan doona 24-ka bishan Luulyo, iyadoo hoggaamiyaha filimkana uu geeriyooday 14-kii Juun isagoo 34 jir ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here