Dream Girl Hema Malini iyo gabadheeda Esha Deol ayaa ka qeyb galeen barnaamijka The Kapil Sharma Show ee Tv-yada laga daawado Hema ayaa goobta u tagtay inee xayeysiin ugu sameeyso mashruuceeda Ganga halka Esha Deol buugeeda cusub ay daah fureyso xayeysiineysay.

Goobta arimo badan ayaa daaha looga qaaday Hema iyo gabadheeda Esha waxay sheegen in mararka qaar luuqada Tamil-ka ku hadlaan markee guriga joogaan sababto ah Hema waa reer koonfur aad ayeena u taqaana luuqadaas gabdhaheedana wey garanayaan.

Sidaa aawged markee Dharmendra wax ka qarinayaan hortiisana ay joogaan luuqada Tamil-ka ayee adeegsadaan meesha ayeena ka shaaciyeen kadib Kapil ayaa sawiro xusuus ah goobta kusoo bandhigay oo reer Deol ugaar ah halkaas ayeena gabar iyo hooyaded dib u xusuusteen waayihii dahabiga ahaa.

Hema Malini ayaa goobta ka sheegtay arin xiiso leh waxay tiri,”Esha iyo Ahana markee dhalanayeen Mr.Dharam waxuu kireystay guud ahaan isbitaalka farxad aabanimo oo ka badatay aawgii” wixii markaa ka dambeyay labadooda mid walba ujeedka meesha ay u imaadeen ayee ka hadleen iyo xayeysiiska mashaariicdooda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here