Hema Malini ayaa soo bandhigtay buug taariikh nololeedkeeda ka hadlaayo waxayna xidigtaan soo bandhigtay arimo badan oo dadka ka qarsanaa.

Bollywood Dream Girl waxyaabaha ay soo bandhigtay oo ay buugeeda ku xustay waxaa ugu xiiso badnaa markii ay cutub kusoo qaadatay qaabkii wiilka ay eedada u tahay Sunny Deol wada hadalkooda u bilaawday.

Waa wax la wada ogyahay Sunny Deol iyo eedadiis Hema Malini waagii hore in xiriir wacan ka dhaxeenin inta badana Sunny dafiri jiray eedadiis ama xaaska labaad aabihiis Dharmendra.

Hema Malini inay bilawgii 90-maadkii ahayd la hadasho xiriir joogta ahna la sameyso wiilka ay eedada u tahay waxaa sabab u ahayd atirishada Dimple Kapadia.

Dimple Kapadia Iyo Sida Ay U Suura Galisay Inay Sunny Iyo Hema Malini Mudo Kadib Wada Hadlaan:

Hema Malini waxay tiri “Wax walbo waxay ka bilaawdeen intii duubista filimkeyga Dil Aashna Hai socotay sidoo kalena Dimple ay ku jileesay Divya Bharti hooyadeed”

“Waxaan rabay inaan duubo muuqaal baarashuud hawada sare ah oo Mithun Chakraborty u qaas ah filimka Dil Aashna Hai, sidoo kalena muuqaal kale oo hees lagu duubayo diyaarad ayaan diyaariyay, laakiin duuliyihii diyaarada ayaa shil la kulmay dhaawac ayaa soo gaaray”

“Dimple Kapadia waxay ka cabsootay muuqaalkii diyaatrada inay duubto ayadoo walaac iyo wal bahaar dareentay ku aadan in shil kale goobta ka dhaco”

“Dimple cabsidii ay qabtay Sunny Deol ayay la wadaagtay, si lama filaan ah Sunny ayaa ii yimid, waxaan u balan qaaday in Dimple wax dhibaato ah soo gaari doonin”

“Sidoo kale fursada aan Sunny ku wada hadli karno waxna isugu sheegi karno maalintaas ayay bilaabatay waxaana dhihi karaa Dimple ayaa sabab u ahayd inaan markii ugu horeesay Sunny wada hadalno”

Sunny Iyo Dimple Xiriirkii Ka Dhaxeen Jiray:

Aqristayaal Sunny Deol iyo Dimple Kapadia waa labo qof oo aad isugu fahansan shaqo wacana soo wada qabteen inta badana waagii hore la isku xaman jiray inuu xiriir jaceyl ka dhaxeeyo.

Xiriirkii Sunny iyo Dimple wuxuu gaaray heer uu aabo Dharmendra soo fara galiyay wiilkiisana uga digay inuu ka fogaado Dimple madaama uu Sunny reer lahaa sidoo kalena Dimple ahayd hooyo ayna kala tageen Rajesh Khanna inkastoo si rasmi ah isku furin balse labo meel ayay ku kala noolaayeen.

Sunny iyo Dimple xiriirka ka dhaxeeyo ma duguubo waayo dhawaan waxaa la arkay lamaanihii hore oo London waqti ku wada qaadanayaan weliba boosteejada tariinka fadhiyaan aadna isaga dhow yihiin.

Haatana Hema Malini waxay dunida usoo bandhigtay xiriirkii adkaa ee Sunny iyo Dimple ka dhaxeeyay bilawgii 90-maadkii.

1 COMMENT

  1. Dimple kapadia baqdinteeda ayaaba wax cajiib ah samayse hubaal waxwalbo adag mar uun ayee si fudud kugu gudbayan thank you for this topic

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here