Atiriishooyinkii ugu caansanaayeen uguna awooda badnaayeen Bollywoodka waqtigaan qaar kamid ah ayaa guursadeen oo xaasas noqdeen 2 sano u dambeysay waxaana la islahaa in ay fanka ka mashquuli doonaan maadama nolol cusub galeen.

Anushka Sharma dhamaadkii 2017 ayee guursatay Virat Kohli mudo 2 sano ayaa laga joogaa arooskeeda walina uur ma qaadin wax caruur ahna ma dhalin sido kale Sonam Kapoor bartankii 2018 ayee guursatay 1 sano iyo bar ayaa laga jooga hada ama kudhow xiligee guursatay wax caruur ah ma dhalin uurna ma qaadin.

Deepika iyo Priyanka dhamaadkii 2018 ayee aqal galeen mudo sanad ah ayaa laga jooga ama kudhow sanad guurada arooskooda walina wax uur ah ma qaadin caruurna ma dhalin hadaba suaalo ayaa ka guuxayaan dad weynaha la socdaan nolosha jilayaasha Bollywoodka iyo saxaafada falanqeysa arimahan.

Ugu horeyn ubadka iyo uurkaba Alle SWT gacantiisa ayee kujiraan waqtiguu qoray ayee wax walbo dhacayaan waa la ogyahay midaas balse waxaa jiraan hadana sababo loo yeelo arin walba oo dhaceyso.

Xan lasoo maqlay ayaa sheegeysa in atiriishooyinka aan sare ku xusnay la heshiyeen nimanka guursadeen iskuna fahmeen in hader uur aysan qaadin atiriishooyinka wax caruur ahna aysan dhalin sabab la xiriirta shaqadooda fanka.

Sidaa aawged difaac uur ayee galaan daawooyij iyo waxyaabo kale ayee isaga difaacan sida la sheegay oo ay kaga hortagaan uurka ileen diyaar uma ahan waqtigaan inee caruur dhalaan gurina fariistan waa atirishooyin howshooda Bollywoodka ku dhexjiraan.

Waxay doonayaan in mudo sanado ah noloshaan kujiraan hadhow dambena si tartiib ah inee hooyo noqdaan ugu soo jeestaan aalaba reer galbeed dhaqankaan wey yaqaanaan oo wey ku heshiyaan mana ahan wax cusub hadee Bollywood sheekadaa sameyaan.

Xantaan ayaa socoto hader inee xaqiiq tahayna lama oga wixiise kasoo kordhaa kala soco Filimside oo u taagan wararkii u dambeyeen inee idiin soo gudbiso iyo dhacdooyinkii horeba.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here