Waxaa si rasmi ah loogu dhawaaqay in la hakin doono hawlaha filim jilista madaama xaalada Hindiya kasii dareyso dhibaatana ku haayo caabuqa halista badan ee Coronavirus sidaa darteed gudiga aflaanta, kuwa TV-yada, kuwa aflaanta sida online-ka ah loo sameeyo qaabilsan iyo wasaarada warfaafinta Hindiya waxay soo saareen qoraal rasmi ah oo filim jilista lagu joojinaayo.

Waxaa si wadajir ah loo wada saxiixay in hawlaha filim jilista la joojiyo laga bilaabo 19-ka bishan Maarso ilaa 31-da bishan Maarso weliba shirkada aflaanta sameeyeen ee kala duwan gudaha Hindiya ka jiraan, kuwa musal salada qaabilsan iyo kuwa sameeyaan aflaanta sida Online-ka ah Internet-ka looga daawado wakiiladooa ayaa heshiiskan wax ka saxiixeen si isku imaatinka dadka loo yareeyo kadibna loo hogaansamo shuruucda dowlada Hindiya u dajisay ka hortaga iyo faafista Coronavirus-ka.

Dhamaan filim sameeyayaasha iyo soo saarayaasha Bollywood-ka way aqbaleen go’aanka soo baxay inkastoo qasaaro jiri doonto madaama jadwalka duubista filimada la hakiyay hadane wax walbo waxaa ka daran bad baadada bini aadanka iyo shacabka Hindiya oo xaalad halis ah ku sugan madaama Coronavirus-ka si xawaare leh ku faafayo.

Filim sameeye Karan Johar iyo kooxdiisa filimka Brahmastra ayaa sharcigan horey ugu hogaansameen madaama duubista filimkan qaybihiisa ugu dambeeyay la joojiyay xili Ranbir Kapoor, Alia Bhatt iyo Amitabh Bachchan loo sheegay inay guryahooda joogaan ilaa xaalada caadi kaga soo laabaneyso.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here