Home » Box Office » Hindiya waa u dhamaatay markaana Deadpool 2 ayaa noqday filimka afaraad ee ugu bilaabashada wanaagsan 2018!

Hindiya waa u dhamaatay markaana Deadpool 2 ayaa noqday filimka afaraad ee ugu bilaabashada wanaagsan 2018!

Filimka Hollywood-ka ah ee Super Hero-ga ah Deadpool 2 ayaa subaxan gudaha Hindiya qabsaday asigoo ku furmay 35% ilaa 40% subaxdii hore xiliga Hindiya.

Deadpool 2 wuxuu noqday filimka afaraad ee ugu bilaabashada wanaagsan sanadkaan gudaha Hindiya aflaanta la saaray wuxuuna ka bilaabasho wanaagsanaaday filimka Raazi oo todobaadkii hore tiyaatarada la saaray iyo aflaan kale oo Hindi caan ah kuwaas oo sanadkan la daawaday.

Waxaa muuqato filimada Super Hero-ga ah ee Hollywood-ka sameeyaan inay suuq weyn gudaha Hindiya ku yeelanayaan waxaan ogeyn in Avengers – Infinity War si waali ah Hindiya kaga gadmay waxaa kasii horeeyay Black Panthers oo isagana sanadkan ahaa.

Fadlan hoos kaga bogo 10-ka filim ee sanadkaan ugu bilaabasho wanaagsan gudaha Hindiya waxaana xusid mudan in afar ka mid ah Hollywood yihiin sida shabakada BOI soo daabacday:

1. Avengers – Infinity War (Hollywood)

2. Baaghi 2

3. Padmaavat

4. Deadpool 2 (Hollywood)

5. Black Panther (Hollywood)

6. Raazi

7. Sonu Ke Tito Ki Sweety

8. Pad Man

9. Raid

10. Rampage (Hollywood)

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *